Thursday, November 21, 2013

Cali Daacuun: Ganacstadu waxay Madaxweyneha ku taageereen gefka uu Dastuurka ka gelayo"


Muqdisho(GNA)-Siyaasiga Cali Maxamed Axmed (Cali-daacuun), ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Banaadir.




Cali Daacuun ayaa ku eedeeyay Ganacsatada qaarkood inay ku dhex milmeen khilaafka Qayrul Dastuuriga ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud kaga horyimi xukuumadda, waa sida uu sheegaye.




Khilaaf muddo ka hor soo kala dhex galay Madaxweyneha Dawladda federaalka iyo reysal-wasaaraha xukuumadda ayaa meel xaasaasiya maraya.




Cali Daacuun ayaa sheegay inay Ganacsatada qaarkood Olole ugu jiraan sidii Kursiga looga riixi lahaa Reysal-wasaaraha.




 “Ganacsatada Gobolka Banaadir qaarkood ayaa bilaabay in ay madaxweynaha gacan ku siiyaan gefka uu dastuurka u geysanayo, iyaga oo billaabay in ay ka dhex ololeeyaan qorshe aan dastuurka waafqsaneyn, waxeya eeganayaan  danaha dhaqaale & tan qabiil ee kala dhexeeya madaxweynaha“ ayuu yiri Cali Daacuun.




Cali Daacuun wuxuu sheegay in socdaalkii shalay Madaxweynuhu ku tegay Dekada iyo  Bangiga dhexe inuu ahaa socdaal dhaqaale doon ah, ee aanu aheyn kormeer, wuxuuna madaxweynaha ku eedeeyey inuu mar kasta faraha kula jiro shaqadii R/wasaaraha.




 “Kuma tilmaami karo booqashaa uu Madaxweynuhu ku tegay Dekadda & Bangiga dhexe kormeer shaqo, ee waxaan oran karaa waa lacag raadin si ololaha uu wado u mira dhalo, waxaana la yaabanahay warka qaladka ah ee ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, waa nasiib darro la soo deristay ummadda Soomaaliyeed & Qaranimadeedii mar haddii Madaxweynihii uu ku dagaalamayo wax aan sharciga ugu qorneyn“ ayiri Cali Daacuun.




Cali Daacuun ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladihii KM ahaa ee somaliya soo maray, waxaanu ka mid ahaa xildhibaanadii ku jiray baarlamankii hore ee DKM ahayd.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com