Hargeysa(GNA)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa iclaamiyay xuska Maalinta saxaafadda Somaliland oo ku beegan 9 Bisha November.
9 Bisha November, ayaa ku beegan markii uu Geeriyooday Aasaasihii warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland Maxamuud Cabdi Shidde(Tuur)-, kaasoo AHN geeriyooday 9bishii November sanadkii 1998-kii, Xiligaasoo Saxaafada somaliland madaxa la soo kacaysay.
Sida lagu cadeeyay Kaadhadhka Marti qaadka Munaasibada, waxa lagu qabanayaa Hudheelka Maansoor.
Suxufiyiinta ayaa lagu adkeeyay inay ka soo qayb-galaan munaasibadda, iyagoo dhawraya wakhtiga.
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu kugu martiqaadayaa in aad kala soo qaybgasho Xuska Malinta Saxaafadda Somaliland oo ku began 9 Nov.2013 Sabtida.
Hadaba waxaa si sharaf leh lagugu martiqaadayaa inaad kala soo qaybgasho saxafada xorta ah ee Somaliland xuska maalinta saxafada Somaliland oo lagu qaban doono Maansoor Hotel “Hoodaale 3’ Amintu waa 8:30am malinta Sabtida 9 Nov 2013”ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo Gobanimonews heshay.
Qoraalkaasi waxa ku saxeexnaa guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.
Ka sekow in 9-ka November loo aqoonsaday Maalinta saxaafadda somaliland lana xusayo, maalintaasi, waa sanad guuradii 15 ee ka soo wareegtay Geerida Marxuumka
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com