Minneapolis(GNA)-Prof, Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa laga waraystay waayaha siyaasadeed ee sanadka sii dhamaanayaa kaga tegayo Mandaqada Somaliya iyo Bulshooyinka ka soo jeeda.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka deyriyay hanaanka siyaasadeed iyo Maamul ee waddanka uu dhawaan madaxweynaha uga tartamay ee Somaliya, waxaanu sheegay inaan maamulka Xasan Sheikh Maxamuud wax badan qaban.
Sidoo kale waxa uu dhaliilay nidaamka Doorashooyinka Puntland iyo habka ay u shaqeeyaan Baarlamanka Dawladda federaalka Somaliya.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu taageero intay ku qaadataba la garab taaganyahay Somaliland oo uu ku tilmaamay mandaqad ifaysa oo badhitaar siyaasadeed iyo gacan qabasho u baahan.
Ugu dambeyn waxa uu Profeser-ku hambalyo u diray Cabdi Warsame oo ah Nin Somali ah oo ku soo baxay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka ee Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minasota, waxaanu arintaasi ku tilmaamay guul weyn oo u soo hootay Ameerika.
Halka ka Daawo Waraysiga oo dhamaystiran: