Friday, November 8, 2013

Samaale oo Istiqaalad u gudbiyay Siilaanyo


Hargeysa(GNA)Hadal hayn maalmahan socotay oo ku saabsan Iscasilaada Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa u muuqata sheeko soo afjarantay oo ku sii siqaysa inuu Wasiir Samaale iscasilayo.




Labadii Maalmood ee ugu dambeysay ayay sheekadaasi si weyn bulshada uga dhex guuxaysay, balse ilo-wareedyo cusub oo Gobanimonews heshay maanta oo Jimce ah ayaa sheegaya  in Istiqaalada wasiir Samaale Madaxweyne Siilaanyo hortaalo.




Ma cadda go’aanka uu ka qaadan doono madaxweynuhu go’aanka wasiirkiisa maaliyadda, balse ilo wareedyada ayaa tibaaxaya in madaxweynaha Jawaab laga sugayo maalmaha soo socda.




Wasiir Samaale ayaa maalmihii ugu dambeeyay la sheegayay inuu ka tanaasulay Kursiga Guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye, balse uu ka mid noqonayo Musharixiinta Xisbigaasi Madaxweynimada.




Waxa la sheegay inaanu Wasiirnimadiisa iska casileyn, inta la gaadhayo tartanka Musharaxnimada ee uu u hanqal taagayo.




Laakiinse Doodda kale ee Maanta soo baxaysa ayaa sheegaysa in Wasiirkani ka niyad jabay Xulafaysiga Siyaasadeed ee Kulmiye iyo xukuumadda uu Wasiirka ka yahay, sidaasi darteedna uu miidaankiisa siyaasadeed meel kale oo ahayn Kulmiye kula biirayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com