uqdisho(GNA)-Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada Somalia Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay inay adkeeyeen nidaamka lagu xaqiijinayo qofka qaadanaya baasaboorka cusub ee Soomaaliga (E-Pasports).
Jen. Gaafow ayaa intaas ku daray in qofka qaadanaya baasaboorka Soomaaliga wixii hadda ka dambeeya uu soo mari doono dowlada hoose iyo taliska ciidanka booliska ee CID-da.
“Si loo xaqiijiyo in qofka baasaboorka qaadanaya uu Soomaali ah yahay waa in waraaqda dhalashada ka soo qaata dowlada hoose, ka dibna xarunta dembi barista CID-da ayuu tagayaa si looga qaado faraha loona hubiyo inuu hadda dembi geystay iyo in kale” ayuu Warbaahinta u sheegay Gaafow.
Taliye Gaafow ayaa ku dheeraadayv waxqabadka laanta socdaalka iyo jinsiyadaha lixdii sano ee la soo dhaafay iyo marxaladaha uu soo maray baasaboorka cusub ee Soomaaliga oo uu xusay in hadda laga heli karo inta badan gudaha iyo dibeda dalka.
“Waxaan dhowaan ka hirgelinay guriga shaqaalaha ee wadada Maka Al-Mukarama xarun cusub oo laga qaadan karo baasaboorka Soomaaliga si shacabka loogu fududeeyo iney meelo badan ka helaan baasaboorka” ayuu intaa ku daray taliyaha.
Jen. Gaafow ayaa xusay in tan markii la bilaabay bixinta baasaboorka cusub ee Soomaaliga aan la siinin qof ajnabi ah marka laga reebo ayuu yiri nin Sudan u dhashay oo hooyadii ay Soomaali tahay kaasoo uu sheegay in lagu qaldamay markii dambena looga daba tegay dalka Sacuudiga iyadoo laga qaaday baasaboorkii Soomaaliga ahaa