Friday, November 8, 2013

Addis-ababa:Suxufiyiin ka yimi Somaliland oo ka qayb-galay Shirka 6-aad AML


 Addis ababa(GNA) Shirka Lixaad ee Madaxda Saxaafadda Afrika oo sanadkan ka dhacaya Dalka africa Itoobiya ayaa saaka si rasmi ah uga furmay caasimadda Dalka Itoobiya.




 




Shirka Madaxda Saxaafadd Afrika waxa furay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya, isagoo ku booriyey sida loogu baahan yahay in ay Horumarka Qaaradda ka qayb qaataan.




 




Hailemariam waxa uu ka codsaday Suxufiyiinta Afrika in ay shirkoodan ka soo saaraan qoddobo waxtar u leh saxaafadda iyo dalalkooda si loo higsado Horumarka Afrika ku talaabsanayso oo ah mid xawli ku socda.




 




Sidoo kale waxa xafladda Furtiaanka shirka Madaxda saxaafadda Afrika ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda AMI (African Media Inititive)  Amadou Mahtar Ba isagoo Raysala Wasaaraha Dalka Itoobiya uga mahadnaqay Martiqaadka uu madaxda Saxaafadda Afrika ku martiqaaday Dalkiisa.




 




Kulanka Madaxda Saxaafadda Afrika oo ka socda Xarunta Qaramada Midoobay ee Caasimada Dalka Itoobiya waxa lagu gorfaynayaa  sidii loo qaabayn lahaa saxaafadda iyo suxufiyiinta Afrika, iyadoo diirada la saari doono hogaaminta saxaafadda Afrika iyo Anshaxeeda, Horumarka tiknoolajiyada saxaafadda iyo sidii loogu heli lahaa dhaqaale lagu horumariyo.




 




Kulankan oo ay ka soo qayb galeen toddoba Boqol oo Suxufi oo ka socda Dalalka Qaaradda Afrika waxa laga dareemayaa in uu yahay mid ka baaxad weyn  shantii shir ee hore ee AMLF (African Media Leaders Forum) kaasoo sanadkan ku soo beegamy dabaal dega konton guuradda Aasaaski Midawga Afrika oo horaantii sanadkan lagu xusay xarunta Ururka midawga Afrika ee Itoobiya.




Iyadoo ay suxufiyiinta ka qayb-gelaysa ka mid yihiin kuwo ka yimi Somaliland iyo Somaliya, waxa shirkaasi ka qayb galay ilaa saddex wariye oo ka tegay Somaliland, kuwaasoo kala ah xoghayaha Guud ee Solja Maxamed Rashiid Muxumed Xasan, Guddoomiyaha wargeyska waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac iyo Tafaftiraha Wargeyska Geeska Maxamed Raamboow.




 




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com