Nairobi(GNA)wali cabsida dalalka Afrika qabaan weeraro kaga yimaada Ururka Alshabaab waa mid taagan, tan iyo weerarkii lagu qaaday Xarun ganacsiyeedka Westgate ee Magaalada Nairobi bishii la soo dhaafay.
Ciidamada Amaanka Dowlada Ugandha ayaa ka digay weeraro Argagixiso oo ay shabaab ka geystaan goobaha waxbarashada dalka ugandha.
War lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa dalka kenya ayaa lagu sheegay in la helay xogo sheegaya in falal argagixiso laga fuliyo goobaha waxbarasho ee ku yaalo magaalooyinka dalka Ugandha.
Afhayeen u hadlay ciidamada booliska ugandha ayaa sheegay in la helay xog muhiim ah oo sheegeysa in weerar argagixiso ay la damacsan yihiin dagaal yahanada shabaab.
Judith Nabakoba afhayeenka Booliska Ugand ayaa sheegtay in la xoojiyay ammaanka Kampala, gaar ahaan goobaha waxbarasho ee dalka, sida Dugsiyada iyo jaamacadaha ku yaala, si looga feejignaado weeraro ay Shabaab ka geysato.
Al-shabaab ayaa sanadkii 2010-kii weeraro Khasaare badan geystay ka fuliyay goob lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Kampala, halkaasoo lagu daawanaayay ciyaaraha aduunka, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya todobaatan ruux.
Uganda ayaa ka mid ah dalalka ku jira Hawl-galka Ciidamada amisom ee somaliya ku sugan, waxaana dalka ka jooga kumanaan askari oo nabad-ilaalin ah.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com