“Arrimaha doorashadana way socdaan welise waxaa loo baahanyahay in arrimaha Qaarkood wax laga qabto”Warsaxaafadeed
Muqdisho: 22 November 2013-(GNA)- Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa maanta soo gebagebeeyay seddex maalmood oo booqasho ah oo uu kutegay Dowlad Goboleedka Puntland asaga oo ku hakaday magaalooyinka Garoowe, Galkacyo, iyo Bosaaso. Booqashadaas oo hordhac u ah soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka oo dhacaysa Bisha Disheember iyo doorashada Madaxwayne nimo ee lagu tala galsanyahay in ay ka dhacdo halkaasi 8 Busha Jenaayo 2014.
Mudane Kay, waxa uu la kulmay Madaxwanaha Puntland oo ka mid ah Musharaxiinta Maddaxwayne nimadda,iyo Musharaxiinta kale ee Madaxwaynenimadda, Odday dhaqmeedyadda, xubnaha Bulshadda Rayidka ah, oo ay ku jiraan Haweenka.
“ Guud ahaan, waxaa la ii sheegay in habka doorashada uu socdo. Waxaa kale oo aan la fajacay sida ay qof-waliba ooga go’antahy helitaanka doorasho ku dhisan nabad, Xorna ah haddana huffan. Hase- yeeshee waxaa loo baahanyahay in waxa laga qabto mid ama labo arrimood oo kale si loo helo natiijo qof walba uu ku kalsoonaankarto’, ayuu yiri Kay.
“Oday Dhaqmeedyadda, Musharaxiinta, iyo Bulshadda Rayidka ah dhamaantood waxay soo dhoweeyeen sida uu Madaxwaynaha u doonayo in uu wadda tashi guud uu u suubiyo kahor inta uusan magacaabin Guddigga Farsamo ee Xulitaanka ( waa Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Dibu-u heshiisiinta). Dadka dhamaantooda waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda uu leeyahay wada tashiga sidan oo kale ah”, ayuu Yiri Mudane Kay. “Dadka intiisa badan ee aan la kulmay oo uu Madaxwaynaha ka midyahay waxay igu raaceen walaaca aan qabo oo ku saabsan tira aadka u yer ee Haweenka ah ee ku jiray Baarlamaankii hadda u dambeeyay. Sidaas darted , Ergaygu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ugu yeraan in ay hal haween ah ka soo gasho markan Gobol walba- waa shantii gobol ee asalka aheed.’
Sidoo kale, Ergaygga waxaa uu warbixin ka dhegeestay Generaal Saciid dheere oo ka mas uul noqonayo arrimaha amniga ee doorashada soo socota. Musharaxiintu waxay dhamaantooda muujiyeen kalsoonidda ay ku qabaan Hogaaminta suuban ee (Generaalka) iyo sida ay ooga go’antahay in uu Musharax kasta waxy uga qabto arrimihiisa Amniga- si ku haboon. Ergayga ayaa oogu baaqay dhamaan Musharaxiinta, in ay u tartamaan si ay ku dheehantahay masuuliyad, kana qaybqaataan sidii doorasho nabadi ku dheehantahay ay u dhici laheed. Waxa kale oo uu sheegay Ergaygga sida ay ‘muhiim u tahay in ay helaan Musharaxiinta amni ku haboon- mid walba- marka uu soo galo/ ama ay soo wadda galaan magaaladda Garoowe.”
Kay, waxaa kale oo uu aad u iftiimiyay doorka ay leeyihiin warbaahiinta- taas oo ku aadan masuuliyadda ka dhalanaysa soo tebinta warka marka loolanka doorashada lagu jiro iyo sida loo doonayo in ay u maddax banaanaato warbaahinta. “ Musharax kasta waa in uu warbaahinta u helaa fursad si uu halkaasi ooga jeediyo loolankiisa ku aadan doorashada- war baahintana waxaa ka midnoqonaysa tan ay leedahay Dowladda. Wariyayaasha waa in ay maddax banaanaadan si ay u soo tebiyaan geedi socodka doorashadda sida ay haddaba u sootebiyaan oo kale’ ayuu yiri Muddane Kay.
‘Qaramada Midoobay waxay si hoose ula socon doontaa habka doorashadda. Waxayna ku dedaali doontaa sidii lagu heli lahaa doorasho xaq iyo xorba ah oo ay nabadi ku dheehantahy.”ayuu yiri.
Hadalkan ayaa imanaya xili walaac badan laga qabo inay saameeyaan doorashada arrimo hoose oo ku saabsan tabashooyin bulshada Goboladda qaarkood uga cago jiidayaan inay ka qayb qaataan Doorashada, siiba xulista Baarlamanka.
Sida ay Gobanimonews xogo badan iyo dareeno soo baxaya ku heshay Bulshooyinka goboladda Sool, Cayn iyo Sanaag ayaa doonaya inaanay xulan xildhibaano uga mid noqda Baarlamanka cusub ee bedelaya kuwii dhawaan la kala diray.
Sababta ayaa ah tabasho ay ka qabaan saami qaybsiga maamulka oo Nugaal gacanteeda ku uruuray.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com