"Waxa uu Muqdisho ku soo laabtay iyadoo in ka badan 168 Xildhibaan saxeexeen Mooshin"
Muqdisho(GNA)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Maanta oo Jimce ah ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, halkaasoo lagu soo dhaweeyay isaga iyo wefti uu hogaaminayo.
Jawaari, ayaa waajahaya maalmaha soo socda marxalada cusub ee uu madaxa la galay Khilaafka Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha iyo Mooshinka horyaala Golaha shacbiga ee lagu dalbanayo ridista xukuumadda.
Waxa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Koobaadee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,inta ugu badan XIldhibaannada Golaha Shacabka,saraakiisha Ciidammada,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
soo dhaweyntaasi kadib uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen dalka Kuwait halkaasi oo uu uga qeybgalay shir madaxeedka dalalka carabta iyo Afrika islamarkaasina khudbad ka jeediyey.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilmaamay inuu kulammo gaar gaar ah kula qaatay dalka Kuwait madax ka kala tirsan caalamka sida Madaxweynayaasha iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Carabta iyo Afrika ayadoo dhammaan xubnihii uu la kulmay uu u gudbiyey fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay iney soo dhaweyso dal kasta oo maalgashi ku sameynaya iyo sida loogu baahanyahay in dalalka Carabta iyo Afrika ay ka qeybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu saameysay ee ku dhaqan gobollada Puntland.
Markaasi kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu kormeeray xarunta Golaha Shacabka oo dib u habeyn lagu sameeyey gaar ahaanna qeybta ay ku shirayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka oo howlihii dib u habeynta ahaa ee lagu waday lasoo gebagebeeye .
Maalintii shalay ayay in ka badan 168 Xildhibaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Saacid u gudbiyeen Golaha shacbiga, waxaana la filayaa in maalinta Berri ah Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee Shirguddoonku ka baaraan degaan Mooshinkaasi iyo duruufaha uu xambaarsanyahay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com