Thursday, November 7, 2013

HOGAANKA DHAQANKAA INOO FAYOOBA EE ISNA MA LA SOO GALAY?


Golaha Guurtidu Waa Inuu Sameeya  Xeer Looraaco Hoganka-Dhaqanka




Qalinkii:- Garyaqaan Muuse Yuusuf




Horta Waa maxay hogaan dhaqan; Hogaan dhaqameed waa Awood Maamul oo Faacweyn oo ay somaalida iyo dalalkale oo badani ku soo dhisnaayen intii ka horeysay habka dawladaha iyo Qaab maamulka casriga ah, kaas oo ah midka ay somaliland ku soo gaadhay halka manta ay marayso.




Hogaanka Dhaqanku wuxuu ahaa mid ku Yimaada Qaab Dhaqan oo Laysku Raacsan Yahay,Ama Baahi Loo Qabo Ku Yimaada oo Aan ahayn Kan Imika ee Isagu is caleemo saaraaya, Hadaba Waxaan Ka Digayaa Dhibta ay Mustaqbalka inagu keeni karto is Caleemasaarka maanta socda ee lumiyay nuxurkii ay lahayd Oday Dhaqameedka Iyo Guud ahaanba hogaanka dhaqanku, Maanta Waxaad arkaysaa Nin Sita Waxooga aduun ah oo qurba joog ah oo ay galbinayaan shaqsiyaad aan magac iyo milgo ku lahayn beesha ay ka dhasheen, Bal hadaba waxaynu ognahay dhibaatada inaga haysata Qurba jooga loo dhiibay shaqooyinkii dawlada ee lagu hodmay.




Maxaynu ka filaynaa Nin Qurba joog ah oo loo diray shaqo u baahan Garasho Iyo Aqoon Dhaqan Reer, Muxuu Ka Tarikaraa Hawsha Baaxada leh iyo Jawiga Qalafsan ee Mashaqada, Qadoodiga, Degel Jiifka Iyo Duboodka leh.




Waar hoy maantaynu dhawnahay ee halaga digtoonaado arintaas oo Wasaarada Arimaha Gudaha, Badhasaabada, Golaha Guurtida, Iyo Hogaamiye Dhaqameedyada Faaca Weyni Waa Inay Ka Hawl Galaan oo la Sameeya Qorshe, Oo Weliba Golaha Guurtidu Sameeyaan Xeer Looraaco Samaynta Hogaamiaya Dhaqameedyada, oo Lagu Xakamaynaayo Fasaqa Iyo Fidmada Ku Soo Aadan Hogaanka Dhaqanka ee Aynu Ku Soo Caano Maalnay, ee aynu ku soo Gaadhnay halka aynu maanta Marayno.




 




WABILAAHI TAWFIIQ