Thursday, November 7, 2013

Shiinaha oo Baaskiladaha ku Wershedaynaya Somaliland


Hargeysa(GNA)-“Hawshayadu waa bilow, waxaanu la wareegnay wasaarad muddo kooban jirtay oo dhisme u baahan, markaa hawshii waxaanu ka bilownay iyadoo sanadkana badhtankiisii lagu jiro, Wershaduhuna iminka ayuunbay nala qabsadeen oo sanadkan cusub ayaanu isla jaanqaadaynaa” sidaasi waxa todobaadkan Gobanimonews sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wershadaha Cabdi Axmed Guray .




Shir lagu gorfeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Wershadaha iyo isku xidhnaanshiyaha dawladda iyo wershedlayda, waxaana shirkaasi ka soo baxay qodobo door ah oo arintaasi lagu dhaqaajinayo, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah Qoraal laga soo saaray oo Gobanimonews heshay.




Qodobadaasi waxa ka mid ahaa:





  • Diyaarinta Siyaasadda Wershadeynta.


  • Hir-gelinta Xarumaha aqoonta iyo Xirfadaha Shaqo .


  • Aasaaska Guddi xidhiidhiya Wasaaradda Wershadaha, Ururka Wershadleyda Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Hawl-wadaaga la ah, sida Wasaaradda Beeraha, Isgaadhsiinta, Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda.


  • Ka faa’idaysiga Tamarta iyo hir-gelinta Wershadaha.


  • Iska xilsaarka xalinta Caqabadaha iyo cabashada Wershaha.


  • Iskagaashiga daneeyayaasha Caafimaadka, Deegaanka iyo nabad-gelyada.


  • Ka faa’idaysiga waayo aragnimada Dalalka  kale ee Wershadaha leh, sida Hindiya.


  • Joogteynta kulamada lagu falanqeynayo Wershadeynta dalka


  • Tix-gelinta talooyinka Wasiirka qorsheynta ee ah abuurida Wershadeynta iyo Aag-dhaqaale iyo abuurida sanduuq horumarinaya Wershadaha.


  • Dhaqan-gelinta go’aamada kulanka.


  • Xoojinta xidhiidhka Wasaaradda Wershadaha iyo Jaamacaddaha si cilmi baadhis loo hirgeliyo.




Dhinaca kale, shirkaasi ka dib, Wasiirka Wershada Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo Maanta warbaahinta la hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay maalmaha soo socda dalka soo gaadhi doonaan khubaro ka socota Wershedlayda shiinaha, kuwaasoo doonaya inay dalka ka hir-geliyaan noocyo wershado cusub dayactirka Gaadiidku ka mid yahay.




“Waxaad moodaa in wasaaradda loo soo jeestay oo waxa ka mid ah shirkad Chinese ah waxa noo socda wada hadal waxaanay wadaa mashaariic farro badan Khamiista waxa dalka imanaya wefti ka kooban toban xubnood waxay doonayaan oo u socdaan inay dalka warshado ka furraan, waxaana ka mid ah warshadaha baabuurta xidh-xidha iyo kuwa baaskiiladaha,”ayuu yidhi Wasiir Abiib Diiriye.




Inkasta oo Wasiirku Iftiimiyay imaanshiyaha daneeyayaal wershadeed oo hor leh, hadana kama madhna wel-welka ka haysta xaga cusbaanshiyaha Wasaaradda , taasoo masuuliyiinta wasaaradaasi ku noqotay mid u sawiraysa inay ku jiraan marxalad bilow ah oo hawl-badani u taalo.




 “Wasaaradda Warshaduhu waa wasaarad cusub, hal sanno uun bay jirtay waa tii wasaaradda Ganacsigu ku hoos jiri jirtay. Anniga iyo Agaasimaha guud-ba waanu ku cusub nahay, waxase aanu isku daynay inaanu dhaqaajino oo iib geyno. Hawl farro badan baa nagaga baxday, waxaanu qabanay shir aqoon is weydaarsi ah oo balaadhan. Afar cisho oo shirkaasi socday waxaanu u yeedhnay dhammaan Hay’adihii caalamiga ahaa kuwo qarramadda midoobay iyo NGO-yada caalamiga ahba.”




Kobcinta iyo horumarinta wershadaha ayaa ka mid ah waxyaabaha daruuriga u ah kor u kaca dhaqaalaha waddankan oo ku yaala Mandaqad amaan ahaan Caalamku ku amaano siday uga badbaaday dhibaatooyinka ka oogan, sida qul-qulatooyinka ka taagan dalka somaliya oo aan saameyn culus ku yeelan hayaanka Himiladda dadka reer Somaliland.




Maamul wanaaga dawladnimo iyo dejinta Shuruuc rukumo adag ku qotoma oo waafaqsan qawaaniinta Caalamiga ah ee wershada iyo Maal-gashiga ayaa fure u noqon kara in Daneeyayaasha Maal-gashiga gaar ahaan kuwa ka soo jeeda wadamada dhaqaalahoodu xawaaraha ku socdo ee Shiinuhu ka mid yahay ay wershado waaweyn oo wax soosaar dalka ka samaystaan.




Laakiinse waxaasoo dhan waxa ka horeeya inay dawladda talada haysaa horumariso soo jiidashada siyaasadeed ee Caalamiga ah iyo abuurista Istaraatiijiyad  fog oo ay ku kala dooranayso kuwa doonaya inay mustaqbalka xidhiidh dhaqaale la sameeyaan iyo kuwa hada gacan saarku ka dhexeeyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com