"Madaxweyne Siilaanyo Ninkii Madaarka Hargeysa ku ceebeeyay Xafiiskiisa ma ku aamini doonaa?
Hargeysa(GNA)-Maalmahan waxa socday olole ay wadaan xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabd, kaasoo ah mid laba ujeedo xambaarsan, isla markaana ku qotoba sidii meesha looga saari lahaa wasiirka xukuumadda ugu awoodda badan ee madaxtooyada.
Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cali Mareexaan, ayaa la sheegay inay olole ugu jiraan sidii ay khadka uga saari lahaayeen Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo gadaal laga ogaaday in Safarkiisa Ingiriisku daaranyahay cadho uu kaga duday aqalka madaxtooyada.
Maxamuud Xaashi ayaa doonaya ololena ugu jira sidii loogu magacaabi lahaa Wasiirka madaxtooyada, halka xildhibaan Cali Mareexaan doonayo bedelkiisa Wasaaradda Duulista Hawadda.
Kulan ay labadii habeenadii ugu dambeeyay la yeesheen Madaxweynaha labadan nin iyo rag kale oo arrintan daba ka riixaya ayaa la sheegay inay ku dhamaadeen isfaham arintaasi laga gaadhay, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu Madaxweynuhu u kala magacaabo labadaa xil.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay aqalka Madaxtooyada, hase ahaatee ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Gobanimonews u sheegay in madaxweyne siilaanyo ka fikirayo sidii uu isugu doorsan lahaa Wasiir Xirsi iyo Maxamuud Xaashi.
Maxamuud Xaashi.
Maxamuud Xaashi ayaa hada ah Wasiirka Duulista, waxaanu xilkaasi hayay mudo saddex sanadood iyo badh ku dhow.
Intii uu xilka hayay, waxa uu ku kacay talaabooyin musuqmaasuq Hantiyeed iyo faddeexado kale ku jiraan, inkasta oo horumarin fiican laga sameeyay madaarada dalka, dayactirna lagu sameeyay qaarkood.
Waxa uu ka mid yahay afarta Wasiir ee Bulshadu u taqaano in Madaxweyne Siilaanyo lala soo doortay, balse mid ka mid ah oo ah waliba ninka ugu tunka weyn la leeyahay waxa saran Birta.
Maxamuud Xaashi, ayaa maalmahan ku mashquulsanaa arrimaha xisbiga kulmiye, isagoo la safnaa dhinaca Muuse Biixi iyo hogaanka kulmiye.
Maxamuud Xaashi Maanta waxa uu ka muquurtay ka qayb-galka Xaflad xil wareejin ah oo Wasiiraddiisa ka dhacaysay, taasoo uu xilka ugu kala wareejin lahaa Agaasimihii hore ee Duulista Hawadda Axmed Dalaal Faarax iyo sarkaal cusub oo todobaadkii hore loo magacaabay.
Xildhibaan Cali Mareexaan?
Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa ka mid ahaa 7 sanadood ee ugu dambeeyay mudaneyaasha golaha wakiillada, waxaanu ka mid yahay xubanaha wakiillada ah ee ay u dhalatay xukuumada madaxweyne Siilaanyo, mucaaridkana ku ahaa nidaamkii Rayaale.
Waxa uu muddo ka hor u muuqday inuu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka quud-daraynayo kursi wasiirnimo, inkasta oo aanu xiligaasi fursad haysan.waxay isku deegaan ka soo jeedaan wasiir xirsiga xadhiga loo jarayo.
Madaxweyne Siilaanyo?
Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa si weyn isha ugu haya arintan oo muddooyinkan dambe isa soo taraysay, waxaanay qaarkood leeyihiin suurto gal maaha in Madaxweyne Siilaanyo isku doorsado Wasiir Xirsi iyo Maxamuud Xaashi Cabdi.
Dadka ku dhadhow dhinacyadan ayaa qaarkood sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo maanka ku hayo sidii uu xil ugu magacaabi lahaa Xasan Gaafaadhi oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii Ururadii hadhay “arrintani way soo baxaysay beryahan dambe, balse anigu waxaan aaminsanahay inaanay dhacayn, waayo Madaxweyne Siilaanyo haduu xirsi eryayo waa inuu Maxamuud Xaashina ku bedelaa Xasan Gaafaadhi”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka arrimaha siyaasadda ka faalooda oo Magaciisa qariyay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com