Thursday, November 21, 2013

Hargeysa: Xuska Maalinta Caruurta oo lagu qabtay Xarunta dhaqan-celinta Darbi Jiifka


Hargeysa(GNA)-Munaasibad lagu xusayay maalinta caruurta aduunka oo sanad kasta laga xuso aduunka 20 November ayaa maanta lagu qabtay xarunta daryeelka iyo dhaqan celinta caruurta darbi jiifka Mustaqbal Degmada Maxamed mooge ee magaalada hargaysa.




Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada waxa kasoo qeyb galay wasiirka wasaraadaasi , wasiir ku xigeenka  , agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo hay’adaha ka shaqeeya daryeelka caruurta sida unicef safe children havayoco Iyo Waliba Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan reebista Somaliland.




Waxa halkaasi ka hadlay ugu horayn agaasimaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada maxamuud galaydh oo ka waramay xaalada caruurta ku jirta xaruntaasi waxaanu tilmaamay in xaruntu ay tahay mid xiliyo xadidan lagu dhaqan celinayo caruuurta la keeno islamarkaa marka la dhaqan celiyo dib loogu celinayo  gurayahooda  ama bulshada iyadoo la dhisayo akhlaaqdooda lana barayo Aqoon ay naftooda ku anfacaan.




 Wasiir ku xigeenka wasarada shaqada iyo arimaha bulshada marwo shukri xariir ismaaciil oo iyana ka hadashay xaflada ayaa ka war bixisay taariikhada  maalintan la xusayo iyadoo intaa raacsiay in sanadkii 1989 kii lasoo saaray xeer caalami ah oo lagu kabayo xuquuqda insaanka ka dib markii la arkay baahida loo qabo in la helo xeer lagu dhaqo caruurta kaasi oo sabab u ahayd in sanad kasta dunida laga xuso maalintan oo kale oo hadda laga joogo mudo ku siman 24 sano  sidaa darteedna somaliland ay tix galinayso taariikhda maalintaasi  lagana xusayo maanta dalka.




Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (garaad) oo ka hadlay ayaa sheegay in maalintani ay tahay maalin caalami ah oo dunida oo dhan laga xusayo somaliland ay ka mid tahay dunida waxaanu intaasi raaciyay in uu hanbalyo ku aadan maalintan u dirayo dhamaan caruurta somaliland  isagoo   ka codsaday hayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha  caruurta  in ay gacan ka geystaan caruurta ku dhaqan xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta ee Maxamed Mooge.




Sidoo kale Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshadu waxa Uu  Bulshada Somaliland uu soo jeediyay in ay kaalintooda ka qaataan  gar-gaarka ay u baahan yihiin caruurtaasi waxaanu intaa ku daray in xaruntu u baahan tahay dhismayaal ka kooban Goobo Caafimaad , Waxbarsho Iyo Goobo kale oo la xidhiidha nolasha.




Waxa Kale Oo Uu   Mahad Celin U Diray  wasiirku Madaxweynaha Jamhuuriada Somaliland  oo gacan ka geysaty dib u habaynta  xarunta.




Geesta kale waxa  wasiirku sheegay in wasaardiisa  ay ka go,an tahay sidii ay xarumo la mid ah xaruntan  uga  samayn lahaa dhamaan gobolada iyo dagmooyinka dalka.




 




 




 




Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay saraakiil ka kala socotay hayadaha Ka Shaqeeya Carruurta Sida UNICEF, Save The Children, CCBRS Iyo Havatoco  waxaana ay  dhamaantood  ka warameen  taariikhada maalintan iyo  xuquuqda  caruurtu ay ku leedahay bulshada caalamka.




Waxa isna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi oo ku hadlayey afka guddida wanaag farista iyo xumaan reebista oo ka hadlay xuquuqda caruurta iyo waajibka bulshada ka saaaran tarbiyadooda.




Gabagbadii waxa halkaasi koob lagu gudoonsiiyay koox  ka mida caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo ku guulaystay ciyaar lagu xusayo maalintan oo ay  kus oo bandhigeen  halkaasi.




Xarunta xuska Maalinta Caruurta lagu qabtay, ayaa dhawaan ay la wareegtay Wasaaradda shaqada arrimaha Bulshada, ka dib markii ay awood ku muquunisay Madaxii xaruntaasi Luul Xasan Mataan oo ay muddo dheer ku muransanaayeen maamulka xarunta.