Hargeysa,(GNA)-Ururka Suxufiiinta Somaliland ee (SOLJA), ayaa abaal-marino kala duwan guddoonsiiyay Suxufiyiin ku guulaysatay tartan qiimayn ah oo ay iska kaashadeen ha’yadda caalamiga ah ee CARITAS oo ka shaqaysa nadaafada iyo fayo-dhawrka dalka.
Munaasibad Maanta lagu qabtay huteelka Ambasadoor ee Magaaladda Hargeysa oo ay ka soo qayb-galeen Mareeyaha Tv-ga Qaranka
Khadar Cli Gaas, Guddomiyaha Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Ururka Curad, Xoog-hayaha Axmedrashiid Muxumed, Madax ka socota Wasaaradda Caafimaadka, iyo Madaxda ugu saraysa ha’yadda CARITAS, suxufiyiin tirobadan oo ka socotay qaybaha warbaahinta kala duwan ee dalka iyo dad weyne tirobadan, ayaa waxa halkaas ku soo bandhigeen guddi madax-bannaan oo ha’yadda Caritas u xushay inay kala saaran suxufiyiinta muddo afar biood ah ku tartamaysay qoraalo ka turjumaaya nadaafada iyo kaalmaha ay kala Kaleen ha’yaddaha warbaahineed uu suxufiyiin toodu uga qayb-gashay tartanka.
Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay Cabdi Aadan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan hayadda Caritas, waxaanu u d
hacay sidan, “Runtii tartankani waxa uu ahaa kii ugu horeeyay ee saxaafaddu ku tartanto ee dalka lagu qabto. Waxaan filayaa maanta ayay noo bilaamantay ee way noo soconaysaa, ha’yado badan oo kalena tartan ayay idin galin doontaa. CARITAS-na waddo wacan ayay furtay, taasoo dhiirigalinaysa suxufiyiinta Somaliland. Kolayba haddii la tartamo mid oo un ayaa dhereeya, sida marka labaratamo oo kale, laakiin nin walba waxa uu u baratamayaa inuu ka kowaad noqdo. Dadkii tartanka soo galay waxay kala ahaayeen Tv-yada, Wargeys-yada dalka ka soo baxa iyo Wabsay-yada. Tv-yada waxa ku guulaystay saddex qof, Wargeys-yadana saddex qof iyo Wabsay-yadana hal qof, waxaanay ku kala gulaysteen kaalmaha 1,2, 3 oo ah siday u kala sareyeen oo ay u kala heleen jaa’isada ayaanu halkan kaga dhawaaqaynaa maanta.”
Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab), oo isagu ka mid ahaa guddiga qiimaynaysay suxufiyiinta eek ala saartay tartankii ay u galeen ayaa ka akhriyay kaalmaha ay kala Kaleen suxufiyiinta ka kala socday warbaahinta dalka ee tartamaysay waxaanu u dhacay sidan. “Wargeysyada. Waxa kaalinta 1-aad u galay Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo ka socday Wargeyska Ogaal, kaalinta 2-aad Wargeyska Hubaal oo uu ka socday Axmed Timo, kaalinta 3-aad Waheen Yaquub Siciid Kuriya. Tv-yada. Kaalinta 1-aad waxa galay Kayse Axmed Digaale oo ka socday Tv-ga Horn-cable, kaalinta 2-aad waxa galay Tv-ga Bulsho oo ay ka socotay Nimco Kaalinta 3-aad waxa galay Cabdisalaan Xariir oo ka socday Tv-iga qaran. Wabsay-yadan waxa kaalinta qudha u galay shabakada wararka ee Gabileynews oo uu ka socday Guuleed Muxumed Ibraahin.”
Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay mar-xaladihii loo soo maray tartakan waxaanu yidhi, “Waxaanu bishii afraad ee sannadkan aanu u qabanay Suxifiyiin ka kala socday Warbaainta kala duwan ee dalka oo dhan, kuwaas oo ha’yad walba uga socdeen suxifiyiinta uga qayb-galaysa ee ay u soo xuleen tartan u qabatay hadda CaRITAS. Waxaana lagu tartamayay sidi qoraalo loogu soo bandhigi lahaa nadaafada iyo fayo-dhorka dalka Somaliland ee bulshad. Waxaana qiimaynta waday suxufiyiintan Guddi madax-bannaan. Warbaahinta Madaxa-bannaan waxaad moodaa maanta inay cid kale u rarantahay, waana Siyaasi oo inaga ayaa mid walba wax ka dhignay, inay maanta suxufiyiintan abaal-marinada guddoonsiinayso hadda Caritas ka maqnaadaan may ahayn”.
Guddoomiyhu waxa uu hadalkisa sii raaciyay sidan. “Waxa loo baahan yahay in warbaahintu ilaaliso xaquuqda bini’aadam-nimada ee qofku leeyahay. Waxaan warbaahinta u sheegayaa waxa nasiib-daro ah in Wasiirdda ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Xisbiyada mucaaradka ah iyo madax badan aanu ku macsuunay munaasibadan sharafta badan eek u tartamayeen suxufiyiinta ka hawl-gasha dalka Somalilan lagu marti-qaaday, inay ka maqnadaana waa ayaan-daro.Waxa jirtay Warbaahin qortay in Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA la heshiiyay ururka suxufiyiinta Soomaaliya ee Nusjes. Anagu ma gayno innaanu lamidowno urur Soomaaliya leedahay.”
Guddoomiye ki-xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Curad oo isaguna madashaas ka hadlay ayaa dad weynihii halkaas ka qayb-galay iyo suxufiyiin tirobadan iyo madaxda ururada bulshada u soo jeediyay mahad-naq waxaanu yidhi, “Dhalinyaradan suxufiyiinta ah ee maanta ku guulaystay abaal-marinta waxaan u soo jeedinayaa inay halkaas ka sii wadaan dedaalkooda, kana shaqeeyaan horumarinta warbaahinta.”
Xog-haya Ururka Suxufiyiinta Somaliland Axmedrashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay inay maalin iyo habeen-ba ka shaqeeyaan sidii kor ugu qaadi lahayeen aqoonta suxufiyiinta dhaliyarada ah ee Somaliland.
Sidoo kale waxa isaguna munaasibada ka hadlay Cabdi Wahaab Nagruuma oo ah dadka u ololeeya nadaafada iyo Fayo-dhowrka Somaliland oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa Wasiiradda iyo Madaxda dalka ku Eedeeyay qaar aan dan ka lahayn inay ka soo qayb-galaan goobaha lagaga hadlayo horumarinta bulshada dalkan,waxaanu yidhi, “Wasiiradda iyo madaxda kale waxay og-yihii in halkan dhaqaale lagu ahayn, waxaana dhaba haddii halkan maanta ahaan lahayd munaasibad kale way ku soo yaacilahayeen. Anigu waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee fariin caafimaad faafinteeda ka bilaabay Wargeyska Jamhuuriya, waxaana wacan in qofka dhaxalkiisa la waydiisoto. Maalintii xuska nadaafada iyo fayo-dhawrka laga xusay dalka waxa I soo waydiisteen ha’yaddaha caalamku sawir aan ka qaaday nadaafada dalka oo lagu soo bandhigay xustkii dalka, kaasoo muujinayay khatarta ka iman-karta caafimaadka bulshadeena.”
Geba-gebadii waxa munaasibadaas abaal-marino iyo shahaado-sharafyo lagu maamuusay masuuliyiinta ha’yadda warfaafineed ka socday iyo Suxufiyiintii ku guulaysatay qoraaladii guddoon siiyay Mareeyaha Tv-Qaranka Khadar Cali Gaas, waxaanu halkaas ka soo jeediya mahadnaq uu u diray suxufiyiinta guusha ka soo hoysay tartanka Caalamiga ah ee Caritas u qabatay, waxaanu yidhi, “Waxay noo tahay maanta farax-weyn guusha ay soo hoyeen suxufiyiinta Somaliland iyo magaca ha’yadda warbahineed ee ay ka socdeen.”
Waxa kale oo munaasibadaas shahaado caalamiya lagu gundoonsiiyay masuuliyiinta ka socday ha’yadaha warbaahineed eek u guulaystay tartanka loo qabtay suxufiyiinta dalka Somaliland
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com