Thursday, November 21, 2013

Somaliland: Haweenka Xukuumadda iyo Mucaaridka oo si qaawan isaga weeraray Warbaahinta


Aamina Now iyo Faadumo Siciid oo ka gudbay Xayndaabka Luuqada siyaasadda iyo Warbaahinta oo isku fasaxday




Hargeysa(GNA)-Ka qayb qaadashada Haweenka somaliland ee arrimaha Siyaasadda maraya heer ay Gabdhaha xisbiyadda mucaaridka ah iyo kuwa xilalka ka haya xukuumaddu warbaahinta isaga jawaabaan.




Haweenka Somaliland ayaa tobankii sanadood ee ugu dambeeyay marba marka ka dambeysa ku soo durka inay door muuqda ku yeeshaan arrimaha siyaasadda, waxaana labadii sanadood ee la soo dhaafay ilaa hada olole ugu jiraan sidii Kuraas kooto ah oo Baarlamaaniya iyo kuwa xukuumiya oo muuqda u heli lahaayeen.




Madaxa Xafiiska Samo-falka Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye iyo Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faadumo Siciid, ayaa Habeenadii la soo dhaafay si qaawan isaga weeraray warbaahinta Dawladda iyo ta madaxbanaan, waxaanay labada Gabdhood isu jeediyeen eedeymo cul-culus oo shakhsi weerar ah.




“Faadumo Siciid maxaa Gabiley ka galay, ma waxay garan wayday wax kale oo ay ku marmarsooto”sidaasi waxa Telefishanka Dawladda ka sheegtay Aamina Maxamuud Diiriye oo ka hadlaysay xaflad ka dhacday Magaalada Wajaale oo xarun agoomeed Marwada Madaxweynuhu ku dhagax dhigaysay.




Waxaanay intaasi ku dartay “Faadumo siciid waxaan  leeyahay waxba ha isku xoq-xoqin Mujaahidiintii dalka u soo halgamay, Xasan Ciise iyo  Axmed Siilaanyo iyagaa shalay mujaahidiin soo wada ahaa, Maxamed Xaashi iyo Axmed Siilaanyo waa sidaas si la mid  ah adiga waa lagu yaqaanaa oo shalay Udubaad ahayd, Ninkaaga ayaa udub  ahaa, waana lagu yaqaanaa, waatii meelahaa marba hay’ad lagaa eryi jiray”ayay sidoo kale tidhi Aamin Diiriye.




Hadalka Haweenaydan oo Barmaamuj Dheer lagaga baahiyay Telefishanka Dawladda, ayaa waxa sidoo kale ku jiray hadalo intooda badan ka baxsan Anshaxa iyo Asluubta luuqada siyaasadda, taasoo dadka badankiisu dhibsadeen, isla markaana shiiqiyay ujeedadii Barmaamujka oo ku saabsanaa dhagax dhiga xarumaha Marwada Madaxweynuhu dhisayso.




Dhinaca isla habeenkii xigay oo xalay ku beegan, waxa Telefishanka Madaxbanaan ee Bulsho, laga baahiyay Barmaamuj dheer oo Faadumo Siciid iyo xubno ka mid ah Garabka Haweenka Xisbiga Ucud ugu Jawaabayeen Aamina Maxamuud Diiriye iyo Marwada Madaxweynaha Aamina Xaaji Maxamuud Jirde.




Hadal ay ka sheegtay Shirkaasi jaraa’id Faadumo Siciid waxay ku sheegtay in Aamina Maxamuud Diiriye ka mid ahayd Basaasiintii Kulmiye markii mucaaridka ahaa u soo jaajuusi jirtay UDUB, waxa kale oo dhaliishay aqoonteeda Cilmi iyo  Xilka ay xukuumadda u hayso oo ay sheegtay inuu gef ku yahay.




“Aaminaay shalay waxaad ahayd Basaasiintii Kulmiye noo soo basaasi jiray ee lacagta ku qaadan jiray, maanta xafiiskii lagu dhiibay ee wasaaradda dib u dejinta la hoos geeyay ayaad wali madaxtooyada isku sii dhejinaysaa, hadaad damiir leedahay shaqada laguu dirsaday ayaad ka soo bixi lahayd”ayay tidhi Faadumo Siciid.




Waxaanay intaasi ku dartay “walaalo aniga Gabiley igama sheegan Karin, Gabileybaad sheegtay xaafadda laba Nuux ayaanad iga sheegan Karin, waxaana waxa kuugu wacan aqoon darada aan wax ku baro oo sida loo hadlo ku baree ii kaalay” – “waxaad tidhi Caruurta ayay naasnuujisaa haday taasi cay noqotay caydaasaan qaatay, laakiinse adigu waxna ma tartid caruur iyo cid kale toona.




Mujaahidbaan ahay iyo Axmed Siilaanyo waa mujaahid, hadaad leedahayna annigu waxaan ka mid ahaa dadkii shalay SNM London uga soo qaadhaamayay ee lahaa abaabulka ku jiray, idiris wuxuu ka mid ahaa guddoomiyihii SNM ee North Ameerika”.




Faadumo Siciid oo wakhti Rubuc saac ku dhow hadlaysay, ayaa sidoo kale dhaliilo u soo jeedisay Marwada Madaxweyna Amina waris Sheikh Maxamuud Jirde, waxaanay tidhi “Aaminaay Inadeer shalay markaynu London wada joognay ee aanu SNM u qaadhaamaynay waadigii inaad xafladaha noo raacdo diidi jiray ee odhan jiray iga daaya ma doonayo in layga arko meelahaasee ka qashaafi jiray, aniguna aanu islahayn aad jahliyada isbartaan Xaaska guddoomiyaha SNM”ayay ku tidhi aamina waris.




Hadaladan ay isdhaafsadeen Haweenkan Mucaaridka iyo xukuumadda ku kala jira oo jaafaa jiriq u muuqda, ayaa ugu horayn si weyn loo dhaliilay warbaahinta soo gudbisay oo Telefishanka Dawladdu ugu horeeyo, marka labaadna Marwada Madaxweynaha oo qayb ka noqotay qadafka ka soo yeedhay Madaxa Xafiiska Samo-falka.




halka mar saddexaadkana dadweynuhu cambaareeyeen labada Dumar ah ee warbaahinta iska aflagaadeeyay, mar afaraadkana dhaqan siyaasadeedka Haweenka ee arrimaha xaasaasiga ah iyo difaacista afkaarta ay kala aaminsanyihiin.




Waxaanay arrintani Sawir aan wanaagsanayn ka bixisay yoolkii siyaasadeed ee Haweenka iyo Olohii Ururadda Dumarku ugu jireen qayb-galka Haweenka ee Golleyaasha sharci dejinta iyo deegaanada.




waxaana Asxaabta Siyaasadda iyo xukuumaddaba looga baahanyahay inay kobiciyaan garaadka siyaasadeed ee Haweenka, si aanay dib uga talaabsan xayndaabka Lahjadda siyaasadda.




Xukuumadda ayaa looga baahanyahay inay xakameyso Haweenka xubnaha ka ahaa ee sida qaawan u weeraraya Mucaaridka,kuwaasoo aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay warbaahinta ka eedeeyaan ashkhaas taageero badan bulshada ka haysta oo la dhibsanayo dhaliilaha loo jeediyo.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com