Friday, November 8, 2013

Dareenka Reer Borama ee Shirka Qaran ee Mucaaridku Ku Baaqay


HARGEYSA (GNA)-Dadka reer Boorama ayaa waxa ay dareeno kala duduwan ka bixiyeen shirwaynaha qaran ee ay dhawaan ku baaqeen asaxaabta mucaaridka ah ee Somaliland, dareenadan dadku ay bixiyeen ayaa waxa ay salka ku hayaan sida ay u arkaan shirkaas iyo waxa uu Somaliland ku soo kordhin karo ama ka ridi karo.




Suldaan Cabdraxmaan Geele oo dareenkiisa cabiray ayaa yidhi “Waa yaab maxay ahaayeen shirarkan la sheegayaa, dalku waxa uu leeyahay haykal dawladnimo oo dhamaystiran oo u igman inay qabtaan shir hadii loo baahdo, shirarkan kale ee la sheegayo waxa aan u arkaa shir beeleedyo, iyo wax la mid ah oo aanan micno dhaamin shir aan aniga oo Suldaan Cabdiraxmaan Geele ah ku baaqo”




Maxamed Abiib oo isaguna ah siyaasi da’yar oo dareenkiisa cabiray ayaa yidhi “Waa loo baahan yahay in la qabto shirkaasi, waa shir ka dareen celinaya xaalada uu maanta dalku ku sugan yahay isla markaana ay ku baaqeen axsaab qaran oo sharci ah, waxa aan qabaa inuu noqon doono shir la isku waydiiyo waxa dhexdeena ka qaldan.”




Xuseen Cilmi Maxile oo ayaa isaguna dareenkiisa ku cabiray “Ma aha fawdo dalku cid walbana waxa ay doonto iskagama baaqi karto, waxa dalka xaalkiisa ka warbixin kara oo shir qaran dalban karaa waa Madaxwaynaha, isaga ayaan talada u daba fadhinaa, shirkaasina waxa aan u arkaa mid aan loo baahnayan ama ka soo yeedhay cid kale oo aan dalkan lexejeclo ka qabin, maantana meel wanaagsan ayuu dalku marayaa xukuumaduna ma sheegin arin sas laga qaado oo shir loogu baaqo oo wax ka qabad u baahan, sidaasi darted shirkaasi waa mid dano kale laga leeyahay oo wax dumin ujeedadiisu ay tahay”




Guuleed Samaale oo isaguna dhinac kale ka istaagay arintan ayaa yidhi “Wax lagu diido ma jirto hadii la yidhi aan shirno oo aan is waydiino waxa naga qaldan, arrinta laga hadlayaana waa badbaado qaran.”




Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isaguna carabaabay sida uu u arko shirkaasi qaran waxana uu yidhi “Ma ogolin, waanan ka soo horjeednaa, waxa aan taageersanahay in xukuumadu ay mamnuucdo oo ay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo aan sharci ahayn oo ku baaqda wax aan loo baahnayn kuwaas oo ay ugu horeeyaan xisbiyada mucaaridka ah ee shirkan ku baaqay”




Si kastaba ha ahaatee reer Boorama dareenkoodan ayaa isugu soo biyo shubanaya laba dhinaca oo garab ka mid ahi uu shirkaasi u arko mid dalka khalkhal ku ah oo aan loo baahnayn hadii aanay xukuumadu ku baaquin, halka garabka kale ay shirkaasi uga arkaan mid loo baahan yahay oo dalka maanta ka badbaadinaya xaalka uu ku sugan yahay.