Thursday, November 7, 2013

Saleebaan Gaal iyo Cabdiraxmaan Cirro oo is-khilaafay


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan ayaa todobaadkan sheegay inaan loo baahnayn qabashada shir Qaran oo Asxaabta Mucaaridka somaliland qabanqaabadiisa ku jiraan.




Hadalka Saleban Maxamuud Aadan ayaa Maalin ka dambeeyay, ku dhawaaqista Guddida qabanqaabada shirkaasi ee Xisbiga Waddani oo uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ah Guddoomiyaha Xisbi Mucaaridka Waddani.




Dhawaaqyada ka soo yeedhay labada Masuul ee shirguddoonka labada aqal ee Baarlamanka, ayaa muujinaya kala aragti duwanaan siyaasadeed oo saameynaysa Goleyaasha ay madaxda ka yihiin.




Guddoomiye Cirro ayaa ah Masuul laba Shaadh oo cul-culus xidhan, isla markaana marba dhinac kaga imanaya Xukuumadda iyo Xulafadeeda oo Saleban Gaal si badheedh ah ugu biiray hada, maadaama oo uu difaaca Shirka Xisbiyadu ugu yeedheen doodaha aayo ka tashiga qaran, uu isticmaalay  luuqada ay Xukuumaddu ku dhaleecayso shirkaasi.




Daladda Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ayaa bishii hore Labada xisbi ku wareejiyay Maamulka waxay ugu yeedheen shirweyne Qaran oo dalka lagu badbaadinayo, waxaana taasi ka dambeyay muran muddo ka taagnaa aasaaska Golaha wada-tashiga.




Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha wakiillada maalmahan laga abaabulayo Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golahaasi, mooshinkaasi oo u muuqda mid  ka dhashay mawqifka uu ka istaagay Shirka madasha wada-tashigu ku soo wareejisay.




Xidhiidhka Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo ayaa bilihii ugu dambeeyay sii xumaanayay, isla markaana ku sii siqaya in aad loo sii kala fogaanayo, maadaama marba marka ma dambeysa lagu sii dhawaanayo wakhti doorasho.




Laakiinse Doodaha labada masuul ee Baarlamanka ayaa muujinaya inay ku kala aragti duwanyihiin arrimaha siyaasada, taasoo ay ugu wacantahay labada xil ee Guddoomiyaha Gollaha wakiilladu hayo oo culays ku ah Taageerayaasha xukuumadda.




Xubno ka mid ah dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa Gobanimonews u sheegay in doodaha Guddoomiye Saleban Gaal iyo Dhigiisa wakiilladu muujinayaan qadiyad kala fogaynaysa Wada shaqaynta saddexda aqal ee Dastuureiga ah, kuwaasoo kala ah Baarlamanka iyo Madaxtooyada.




Shirka ku saabsan wada-tashiga qaran ayaa xisbiyadu u muudeeyeen bisha 14 bisha December ee soo socota, waxaana bulshada dhexdeeda laga dareemayaa su’aalo badan oo layska waydiinayo waxa lagaga hadlayo iyo ujeedka laga leeyahay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com