Adidas ayaa beenisay inay soo bandhigtay inay qeyb ka bixineyso lacagta lagu burburin karo qandaraaska Leo Messi oo ay dalabkaas u bandhigtay Chelsea, Bayern Munich ama Real Madrid.
Mundo Deportivo ayaa baahisay isbuucaan in shirkada Adidas oo uu Messi u xayaysiiyo kabaha inay u dhawaatay kooxaha Chelsea, Bayern Munich iyo Real Madrid oo ah kooxo ay u sameyso maaliyadaha iyagoo u soo bandhigay inay kala bar bixinayaan lacagta lagu burburin karo qandaraaska Leo Messi ee Barcelona haddii ay la wareegaan, waxaana damacooda uu ahaa inay ka soo kaxeeyaan koox xiriir la leh shirkada Nike.
Qorshahaas oo sidoo kale la sheegay in lacagta soo gasha Messi kor loogu qaadi lahaa boqolkiiba 40 ayaa waxaa haatan beenisay shirkada Adidas.
“Xiriirka ka dhaxeeya Adidas iyo ciyaaryahan kasta kaliya waa mid la xiriira ganacsi” ayay shirkada Jarmalka u sheegay jariirada L’Equipe.
“Go’aan kasta oo isboorti waxaa iska leh kaliya ciyaaryahanka iyo wakiiladiisa. Shirkada u sameysa qalabka uu xiran yahay wax shaqo ah kuma lahan.”