21/11/2013: Borama(GNA) Waxa maanta magaalada borama ee xarunta gobolka awdal si weyn loogu soo dhawayey hooyada samafal caruurta darbajiifta somaliland haldoor luul xasan mataan iyada oo laga hortaagay degmada diila ee ka tirsan gobolkani awdal iyada oo ay halkaasi ay ku sugnaayeen Kumaan qof oo isku soo baxay soo dhawaynta hooyada samafal caruurta darbajiifta Somaliland intaasi ka dib ayaa haldoor luul xasan mataan loo soo galbiyey magaalada borama iyada oo ay wadada hareerooyinka ay ku sugnaayeen bulsho aad uu tiro badan oo lulayey caleemo goyan..
hooyada samafal caruurta darbajiifta Somaliland haldoor luul xasan mataan ayaa waxa ay dhagax dhigtay xaruun lagu xanaanayn doono caruurta darbajifta somalaind oo ku taal galbeedka borama iyada oo ay sheegtya haldoor luul xasan mataan xarunta cusub ee ay dhagax dhigtay ay tahay mid ay uu baahan yihiin xarunta darbajifta madaama ay yihiin caruurteeni..
qaar ka mid xildhibanada golaha deegaanka oo iyagna halkaasi ka hadlay ayaa waxa sheegeen in ay ku faraxsan yihiin imaatinka haldoor xasan mataan isla markaana ay tilmaameen in ay si mug leh looga qayb qaato dhismaha xarunta cusub ee Loo dhisayo Caruurta Darbijiifka
sidoo kale mar aan kamarada la dhex marnay bulshadii sida weyn uu soo dhawayey hooyada samafal caruurta darbajiifta Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacmo furan ay ku soo dhawaynayaan isla markaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin xarunta cusub ee ay dhagax dhigtay ee lagu xanaanayn doono caruurta darbajifta
Wariye Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Borama/somaliland