Thursday, November 21, 2013

Sidee loo yareyn karaa Shaqo La’aanta Dhalinyarada?By: Dcc


Dalalka dunida ugu saboolsan Ayaa waxaa dhibaatooyinka Ugu waaweyn ee dadkiisa haysta ka mida shaqo la’aan Baahsan maadaama ay aad u Yar yihiin fursadaha dalka dhexdiisa shaqooyinka looga heli karo.




Waa aafo saamaysay guud ahaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland, waxay si gaar ah u taabatay da’yarta haba ugu darnaadeen kuwooda wax bartay maadaama ay dhaxalsiisay niyad jab iyo in ay ka rajo dhigaan yoolal badan oo ay higsanayeen si ay noloshooda u horumariyaan.




In badan oo ka mid ah dhalinyarada dalkeena wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan waxayna arintaasi ku beertaa in maankooda ama maskaxkooda ay ku soo dhacaan fikrado hor leh kuwaas oo mararka qaar ay naftooda halis u geliyaan.




Qaar badan oo ka mid ah barbaarta ay Camal la,aanta deriska u noqotay waxaa soo wajaha dhibaatooyin nafsi ah waxayna ku dhacaan falal denbiyoodyo amaanka liddi ku ah, badbaadada naftoodana khatar ku ah, qaarkood Burcad moobileeda ayey noqdaan, qaarka kalena waxay u sahay qaataan sidii ay ugu hayaami lahaayeen dalalka Qurbaha oo ay aaminsan yihiin in ay ka heli doonaan nolol dhaanta tan dalka taala iyo weliba shaqooyin ay hanti fiican ka kasbadaan.




Inkasta oo meelo badan oo Somaliland ka tirsan gaar ahaan magaalooyinka waa wayne laga sameeyey dhowr mashruuc oo barbaarta shaqooyin loogu abuurayo oo uu kamid yahay Barnaamijka (Shaqo Doon) ee ay Hay’adda EDC maal geliso hadana taasi wax badan kama tarin daboolitaanka baahiyaha shaqo ee ay bulshada Somaliland ,waxa meesha ka maqan roolkii ururada ku maxaabsada magac dhalinyard,




Kuwaasoo noqday ururo shakhsiyaa u adeego iyo dano gaarahaantee.




Hadaba si aannu ugu kuur galno dhibaatada shaqa la’aantu ay dhaxalsiisey dhalinyarada dalka ayaa waxaa ii suurtagashay in aan noloshooda ka xog wareysto qaar kamid ah da’yarta kuwaas oo ka xog waramaya dhibaatada ay shaqa la’aantu baday iyo sida ay Mustaqbalkoodii ifayey mugdiga ugu haraysay.




Waxbaro shaqo heli meyside!!!!!!!!!!!




Xasan wuxuu kamid yahay dhalinyarada ku nool magaalada hargeysa waxa uu waxbarashada dugsiga sare dhamaystay sanadkii 2004 , intaas kadib wuxuu ku biiray Jaamacadaha Hargeysa oo uu mudo afar sano ah dhiganayey kana qalin jebiyey sanadkii 2008 isagoo bartay Culuumta Kumbuyuutarka.




Xasan oo mudo 2-sano ka badan shahaado Jaamacadeed sitey waxa uu sheegay in aanay u suurto gelin in uu helo shaqo uu ku qanco wuxuuna intaas raaciyey in iyada oo fursadaha shaqooyinka lagu heli karaa ay iskaba yar yihiin hadana caqabada kale ee dadka aqoonta ay ku shaqeystaan leh hortaagani ay tahay in dadka wax shaqaaleeyaa ay muhiimada. Kowaad-aad siiyaan dadka ay xigtada yihiin ama odey suldaan ah iyo masuul dawaldeeda gacanta hayo oo keliya arintaas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid aan horumarka dalka iyo dadkaba dani ugu jirn.




Xasan oo arintaas ka waramayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa inkasta oo in shaqo la helaa ayba iska adag tahay hadana waxaa arinta sii murjinaya waxa soomaalidu u taqaan qaraabo-kiilka oo ah in qofba qofka xiga uu wax ladoono halkaasna ay dad badan oo shaqo doon ahaa aqoonna lahaa ay meesha kaga baxaan, xaalada maanta jirta waxan ku tilmaami kara waa wax baro shaqona alle ka suga,




Xidhiidhka ka dhexeeya Tahriibta iyo Camal la,aanta




Cali oo isna kamid ah barbaarta ay shaqa la’aantu saamaysay ayaa iga xog waramay waayaha noloshiisa iyo sida ay Camal la,aantu u curyaamisay, wuxuuna sheegay in uu kusoo barbaaray magaalada Burco waxna kusoo bartay haseyeeshee maalintii uu filayey aqoonta uu bartay in uu miraheeda gurto ayaa waxaa ku adkaatay in uu shaqo helo dadaalo dhowr ah oo shaqo uu ku raadinayey markii uu ku fashilmayna waxay dantu ku khasabtay inuu dalka iskaga tago si uu u wajaho nolol tan hada uu ku nool yahay wax uun ku dhaanta.




Cali waxa uu sheegay in u tahriibey si uu ugu sii gudbo dhinaca dalalka yurub oo ay qaar ka tirsan qaraabadiisu shaqooyin ku haystaan, balse nasiib darro Cali waxa uu sheegay in marna aanay u suurta gelin in uu gaaro dalalka oo socdaalkiisu uu ku wajahnaa intaas wixii ka danbeeyeyna uuba ka rajo dhigay in uu shaqo helo.




Markii aan shaqo ii qalanta waayey dantu waxay igu khasabtay in aan naftayda ku samirsiiyo in maalin uun ay fursadi isoo mari doonto, balse hadda sida ay saadaashu tahay shaqa la’aanta haysata aniga iyo dhalinyaro badan oo ila mid ah u malayn mayo inay tahay mid xiligan xal loo heli karo ayuu yidhi Cali




Shaqo la’aanta oo da’yarta ku dhiiri gelisa Burcada xaafadeeda.




Doorka:




Wasaarada qorsheeynta qaranka, maaha mid dabagal ku samayn karta shaqooyinka banaan iyo qaabaka lagu bixiyo, isla markaana malahan qaab shirkadaha iyo hay’aduhu ugu soo gudbiyaan shaqooyinka banaan iyo qaababka ay ku xushaan, taas oo haddii sida loogu talagay ay u shaqeyso noqon karta goob shaqooyinka banaan loo doonto lagana daalacdo.




wax loo baahan yahaya in shaqo abuur in loo sameeyo da’yarta iyo kuwa waxbartey,iyo kuwa farsamada bartey waxaana barnaamijkeedu ku egyahay wixii hay’adaha caalamku ula yimaadaan, goobaha ay shaqo abuurka ka sameeyaan




Shaqooyinka hay’adaha




Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlagala gudaha somaliland ayaa kamid ah meelaha laga curyaamiyey da’yarta waxbaratey, waxaana shaqooyin badan oo ay qaban karaan dadka u dhashey somaliland hadda qabta ajaaniib laga keeneya dalalkale shisheeyaha ah sida dalka kenya




Dhibaatada ay shaqa la’aantu ku hayso barbaarta Somaliland ma ahan mid qoraal iyo hadal toona lagu soo koobi karo




Hadaba su’aalaha isweydiinta mudani waxay tahay sidee loo yarayn karaa shaqo la’aanta? yaa xil ka saaran yahay in ay samayso qorshe lagu cirib tirayo laguna abuurayo fursado shaqo oo cusub? bulshada kuwooda aqoonta leh amase ladan kaalin intee le’eg ayey ka qaadan karaan shaqo abuurista?




Su’aalahaas dhowrka ah marka sida saxda ah looga jawaabo waxaa hubaal ah in dhalinyarada Somaliland rag iyo dumarba uu u furmi doono waa cusub iyo nolol ka farxad iyo rayn rayn badan




Si kasta ha ahaatee




Dawladana imika jirtaana runtii wax badano fiican way qabatay intii ay imika joogta oo ah ila 3 sano,waxana ku guulaystay in ay mushaharka shaqaalaha iyo ciidamadda u kordhiso ,




inkasta oo ay jiraan khaladaad dhawr ah oo u baahan in dib loo saxo. Kuwaasina waxa fiican inay dawladu laftoodu ka badheedho inay dadkeeda ka Qanciso.




Daahir Cabdi Ciise




Daaha013@hotmail.com 0634414680