Friday, November 8, 2013

Awdal: Maayirka Baki iyo ku-xigeenkiisa oo Xilka laga qaadayo


08/11/2013 Boorama-(GNA)-Xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Baki ayaa wada daqdhaqaaqyo ay ku qorshaynayaan inay xilka kaga qaadayaan Maayarka iyo Maayar ku xigeenka degmadaas, waxana ay xarunta gobolka Awdal soo gaarsiiyeen warqad ay ku saxeexan yihiin 9 xildhibaan oo ka mid ah 13ka xildhibaan ee degmadaasi, isla markaana ay Maamulka gobolka Awdal kaga codsanayaan inuu amro qabashada kalfadhi aan xaadi ahayn.



Warqadan codsiga ah oo ku taariikhaysnayd 06/11/2013 ayaa waxa kale oo ay ku socotay Gudoomiyaha degmada Baki waxana la ogaysiinayay Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.



Nuqul ka mid ah warqadaasi oo ay heshay shabakadu ayaa waxa uu u qornaa sidan:



Ku: Gudoomiyaha degmada Baki



Og: Badhasaabka Gobolka Awdal



Ogg:Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL



Ujeedo: Codsi Xildhibaano Kalfadhi Aan Caadi Ahayn



Anaga oo tixgalinayna dastuurka qaranka iyo xeerarka kale ee dalka sida xeerka gobolada iyo dagmooyinka JSL, xeer No.23/2003, dib u eegis Novomber 2006.



Markaan aragnay ku tumashada qodobada xeer No.23 qodobadiisa 66aad firqadiisa A, B, C, D inuu ku sifoobay, laalayna xeer hoosaadkii golaha mudadii uu xilka hayay, wax kalfadhi ahina aanu dhicin.



Markii uu arkay golahu ku dhaqanka miisaaniyada oo loo maray sifo aan sharciga waafaqsanayn, loona isticmaalay nidaam ka baxsan xeerka u dajisan ku dhaqanka miisaaniyada.Markaan aragnay in gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisu inay ku isticmaalaan dakhliga goobaha cashuuraha.



Markii uu arkay golahu in mashaariicda hayadaha caalamiga ah ee World Vision iyo FAO oo loogu talo galay in lagu hor mariyo dadka tabaalaysan, ayna u adeegsadeen qabyaalad iyo ku danaysi danahooda gaarka ah taasi oo keentay isku dhac beeleed.



Markii aan aragnay in aan loo jeedin awaamiirta golaha, markaan aragnay inaan loo tudhayn bulshada aan codkooda ku joogno, waxa uu golahu kaa dalbanayaa inaad qabato shir aan caadi ahayn, sidoo kalena waxa aan ka codsanaynaa Gudoomiyaha gobolka Awdal inuu ku ilaaliyo, kuna amro gudoomiyaha golaha degaanka ee degmada Baki.



xildhibaanada saxeexay



Xildhibaanada ku saxeexan qoraalkan




  1. 1.Cabdilaahi Xasan Ardaale


  2. 2.Faarax Cabdi Cali


  3. 3.Axmed Aw Xuseen Xasan


  4. 4.Bare Jaamac Yuusuf


  5. 5.Ducaale Axmed Yuusuf


  6. 6.C/Rashiid Aw Muxumad Xasan


  7. 7.Xuseen Muxumad Geele


  8. 8.Maxamuud Axmed Cumar


  9. 9.Siyaad Nuur Qaalib


  10. 10.Maxamed Muxumad Nuu