Friday, November 8, 2013

Diyaar Garowga Dhalashada Nabiga(NKH) iyo Culimadda


Hargeysa(GNA)Culimada Waaweyn ee Ansaarudiinka magaalada Hargeysa  ayaa maanta ka hadley Soo dhaweynta Curashada Sanadka Cusub ee islaamka iyo u diyaar garowga Xuska Dhalashada Rasuulka (SCW).




Culimada ansaarudiinku sidaasi waxay kaga hadleen kulan ay maanta ku qabteen  Xaruntooda guud ee magaalada Hargeysa




Culimadan ayaa sheegay  in ay mihiim tahay in la soo dhaweeyo Xuska dhalashada Rasuulka ee fooda inagu soo haysa ,Kulankan Maanta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi




waxaana ugu Horeyn ka hadley Kulankan Sh.Axmed Caabi oo ku dheeraaday Qiimaha Sanadka Cusub ee islaamka. iyo faa’iidada ku jirta in laga wada qayb qaato Xuska Dhalashada Rasuulka ee inagu soo fooda leh,Sheekhu waxaa uu tilmaamay in ay waajib tahay in la weyneeyo lagana wada qayb qaato Maalintaasi qiimaha leh ee inagu soo fooda leh ,




Sheekh Axmed Dhinbiil Guuleed oo ah Agaasimaha  Wax fadwada Shareecada ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Ayaa waxaa uu Bulashada islaamka ku Hanbalyey Curashada Sanadka Cusub ee islaamka isagoo xusay in ay muhiim tahay in Sanadka islaamka loo soo dhaweeyo  loona Xuso sida Xafladaha kale ee dalka lagu qabtaba loo weyneeyo isla markaana ku Baraarujiyey Umada reer Somaliland ee ku kala nool Gobolada kala duwan ee Somaliland




 Sheekh ismaaciil Xasan Faarax iyo Sheekh ibraahin Diiriye Bilaal  oo iyaguna Kulankaasi hadalo kooban oo dar daaran iyo wacyigalin ah ka jeediyey ayaa ugu horeyn umada islaam ku guubaabiyey in loo diyaar garoobo Xuska dhalashada Rasuulka (NNKH) oo ingu soo foodleh




Geesta kale Waxay  Waalidiinta Somaliland ugu baaqeen in ay ka warhayaan Caruurtooda.iyagoo Dowladana ugu baaqey in ay wax ka qabtaan Dhalinyarta Caadaystay in ay habeenkii dadka wax yeeleeyaan,




Hadaba Guud ahaanba Culimadii Kulankaasi ka hadashay ayaa umada islaamka meelkastoo ay joogaan ilaahay uga rajeeyey inuu Sanadkan Sanadkiisa inagu gaadhsiiyo Caafimaad qab iyo Camal Suuban




 Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com