Hageysa(GNA)-“Iyadoo ay barri ku beegantahay maalintii saxaafadda Somaliland wuxuu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI bogaadin hawada u marinayaa warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland”sidaasi waxa lagu yidhi Warsaxaafadeed Caawa ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga Waddani.
9 bisha November oo ku beegan ama loo asteeyay Maalinta saxaafadda Somaliland, ayaa Berri laga xusayaa dalka, sida uu Ururka Solja Iclaamiyay Khamiistii shalay, gelinkii dambe.
Warsaxaafadeedka Xisbiga waddani soo saaray ayaa lagu sheegay in xuska sanadkani ku soo beegmay maalin xaasaasiya oo ay xukuumaddu cabudhin iyo dhaqdhaqaaq ka dhan Xoriyatal-qowlka ku foogantahay.
Waddani ayaa sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Xabaal u qodayso waxay ugu yeedheen aasaaska Xoriyatal qawlka iyo Madaxbanaanida saxaafadda.
Waxaana dhambaalka ay soo saareen isagoo sii socda u dhignaa sidan “Saxaafadda madaxabanaani waxay door muhiim ah ka qaadatay hirgalintii dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xoriyatal qawlka ay Somaliland ku soo caano maashay.
Saxaafadda madaxabanaani way ku amaanantahay dedaalka ay ugu jiraan sidii qarankani uga badbaadi lahaa kalitaliye ku tagrifala awooda kursiga iyo hantida umadda sidoo kale waxay taariikhdu qoridoontaa sida saxaafadda madaxabanaani ugu dhabar adaygtay hawsha culus ee ay umadda Somaliland u hayaan iyo hagardaamada ay inta badan kala kulmaan xukuumadda talada haysa.
Maalintani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay qodayso qabrigii lagu aasi lahaa xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida saxaafadda xorta ah ee ay umaddani inta badan soo ilaalinaysay.
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu ka xunyahay sida karaamo darrada ah ee xukuumaddani u bahdishay warbaahintii dawladda uguna adeegsanayso in lagu aflagaadeeyo xisbiyada mucaaridka ah iyo muwaadiniintii bixinayey cashuurta ay warbaahinta dawladdu ku shaqayso.
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu warbaahinta Somaliland u rajeynayaa mustaqbal ifaya iyo madaxbanaanida taamka ah ee dastuurku u damaanad qaaday”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha eeddan xisbiga waddani u soo jeediyay, balse waxa beryahan dambe warbaahinta madaxbanaan ee somaliland qaylo-dhaan kaga cabanaysay wax ka bedel iyo Kaabis lagu samaynayo Xeerka Saxaafadda Somaliland, kaasoo ay warbaahinta Madaxbanaani ku doodayso in lagu soo daray qodobo caqabad ku ah hawl-gudashada Warfidiyeenada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com