Monday, June 23, 2014

Shirkii qurbo-joogta Soomaalida ee Istanbul oo hogaan cusub lagu doortay


Yaa hogaaminaya Qurbo-jooga Soomaalida ee la doortay..?




shurIstanbul( GNA)-Shir socday laba maalmood oo ay ka soo qayb-galeen boqolaal ergo oo ka kala socda qurbo-joogta Soomaalida ee adduunka, ayaa caawa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Stanbul ee cariga Turkiga.




Shirka ayaa looga hadlay sidii ay qurbo-joogtu door muuqda uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka Somaliya, iyagoo hal meel ama dalad qudha ku midaynaya awooddooda.




Shirka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay tiro intan le’eeg oo Dadka dibadaha joogaa ku kulmaan, waxaana marti gelisay dawladda Turkiga oo safka hore kaga jirta dawladdaha taageera Soomaaliya.




Ka sekow qaybaha Soomaalida reysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Turkiga Professor Emrullah Isler oo ka qayb galay kulanka ayaa qurbo joogta Soomalida ku booriyay inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan dib u dhiska iyo taageerada waddankooda.shur1




“Ujeeddada dawladda turkigu waxa weeye inay soomaalidu horseed ka noqdaan dib u dhiska dalkooda, waxaanu u caawinaynaa Soomaalida sidii ay iskood isugu taagi lahaayeen” ayuu yidhi Professor Emrullah Isler.




Shirka ayaa qaybtiisii dambe ee caawa waxa lagu doortay hogaan cusub oo ay yeelanayaan dallada jaaliyadaha Soomaalida, kaasoo ka kooban Xoghaye guud, guddi fulineed iyo Guddoomiye iyo ku-xigeenno.




Cabdi Baaruud oo ka mid ah Jaalliyada degen dalka Uk, ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee Ururka Qurbo-joogta Soomaalida, Saadiq Warfaa oo ka yimi Maraykanka ayaa loo doortay ku xigeenka Xoghayaha Guud, halka 9 Xubnood oo kalena loo doortay Guddi.




shirCabdi Baruud oo markii la doortay kaddib hadlay ayaa sheegay inuu la shaqayn doono dhamaan Jaaliyadaha Soomalida ee dibada ka dhisan, kuna dedaali doono sidii uu meel isugu keeni lahaa fikirkooda ay kaga qayb qaadanayaan dib u soo nooleynta nidaamka dalnimo ee Soomaaliya.




Shirka ayaa intii uu socday aan wax door ah laga siin arrimaha siyaasadda, iyadoo waxa ugu weyn ee looga hadlay ay ahayd kaalinta ugu haboon ee ay dibad jooggu isku barbar taagi karaan dib u dhiska Dalka.




Qurbo-jooga Soomaalida ayaa tan iyo intii uu dalku bur-bursanaa u tabcayay sidii ay nolosha qoysaskooda iyo dhibaatooyinka kale ee qaranba ula tacaali lahaayeen.




Iyadoo dhinaca kale inta badan ay kaalin firfircoon ka qaadan jireen dawlad u sameynta dalka oo ay uga waayo aragnimo iyo duruuf badnaayeen dadka gudaha jooga.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com