Muqdisho, 23 June, 2014 —(GNA)- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiish ku dhex dhigtay labadii garab ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ergooyin ka kala socda labada maamul ee Lixda Gobol iyo saddex Gobol ayaa maalmihii u dambeeyay soo gaaray Muqdisho, iyadoo xalay kulamadii ugu horeeyay ay madaxtooyada ka dhaceen.
Heshiishkan oo ay garwadeen ka ahayd Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabaha u xaaraya samaynta maamul goboleed ku-meelgaar ah oo ka kooban saddexda gobol ee Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.
Munaasabid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qab-galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiya Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro, Xubno ka mid ah baarlamanka, hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo bulshada, siyaasiyiin Safiirro, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa lagu saxiixay heshiishkan taariikhiga ah oo soo afjaraya khilaafkii labada dhinac ee Baydhabo lagu wada doortay ka dhexeeyay.
Qodobada lagu heshiiyey
1-Labada dhinac ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dhiso maamul mid ah oo loogu yeerayo Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.
2- in dowladda Soomaaliya ay ka shaqayso xaqiijinta in Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed ay noqdaan kuwa laga wada qaybgalo oo dadka oo dhan metela.
3- In iyadoo beesha caalamka lala kaashanayo ay dowladda Soomaaliya taageero u fidiso dhismaha maamulka Koonfur Galbeed iyo in labada dhinac midkiiba soo magcaabo 5 xubnood oo guddi farsamo ah, iyadoo xukuumadduna ku biirinayso 3 xubnood, waxana guddigaasi uu muddo 10 cisho gudahood ah ku soo diyaarinayaa habraaca dhismaha Maamulka Ku-meelgaarka ah.
4-Weliba in labada dhinac ay 30 maalmood gudhaood ku soo dhammeeyaan hannaanka samaynta Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Heshiishkan ayaa dhinaca garabkii saddexda gobol waxaa u saxiixay Maxamed Xaaji Cabdinuur (Maddeer), dhinaca Lixda gobolna waxaa u saxiixay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey), halka dowladda dhexe ee Soomaaliyana uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ridwaan Xirsi Maxamed.
Kulankan waxa goob-joog ahaan ay u saxiixeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Europe.
Hadalo kooban oo labada garab ee heshiishka gaaray ay madasha ka jeediyeen ayey ku ballan qaadeen inay ka dhabayn doonaan hirgelinta heshiishkan, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ka codsaday inay garab istaagaan geeddi-socodka nabadda iyo maamul dhisidadda ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wakiilada goob-joogga ka ahaa heshiishkan ee ka socday beesha caalamka sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Europe ayaa dhammaantood si weyn u soo dhoweeyey heshiishkan , waxaanay iyaguna dhinacooda ballan-qaadeen inay taageero ku bixinayaan hirgelinta heshiishkan.
Dhinacyada ayaa si guud digniin ugu direy cid kasta oo isku dayda inay caraqaladayso heshiishkan iyo geeddi-socodka nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda ee Soomaaliya.
Reysal-wasaare sheikh oo ka hadlay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo hadal ka jeediyay Madasha Heshiisku ka dhacay bogaadin iyo ammaan u soo jeediyay cid kasta oo ka qayb qaadatay hir-gelinta heshiiskan.
“Maanta waa maalin weyn oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waa maalin taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna.
“ Dhammaan Xubnaha dowladdu waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka”.ayuu yiri
Cabdiwali Maxamed Sheikh oo sii hadlay ayaa intaasi ku daray“Hawshan waa bilow weli ma dhammaan markaa waa in laga wada shaqeeyaa hirgelinta heshiishkan.Beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa inay na garab istaagaan xilligan aan ku jirno dadaalka aan dib ugu yagleelayno dhismaha dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya”ayuu yiri.
Khilaafka labadan maamul u dhexeeyay ayaa soo taxnaa muddo laba bilood gaaraysa, iyadoo xiisad adag oo ismari waa ah abuuray intii uu cusbaa.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobaniminews.com