Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo Caaqil Khadar oo sheegay inaanay sheegan Mansabyo aanay lahayn..
Burco(GNA)-Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani ee Gobolka Togdheer iyo waliba,Caaqil iyo inanka uu dhalay Suldaanka Guud ee Beelaha habar jeclo Xasan Suldaan C/laahi oo iyagu dhawaan ku biiray xisbiga wadani ayaa shir jraa'id oo ay ku qabteen magaalada Burco,waxay kaga hadleen hadal ay sheegeen in si kale loo turjumay iyo xadhig ay sheegeen in lala maaganyahay oo xoriyada lagaga soo horjeedo, iyadoo loo diidanyahay xisbiga ay ku biireen.
Xisbiga Waddani ayaa dhawaan magaalada Burco ku soo dhaweeyay taageerayaal kaga soo biiray Xisbiga Kulmiye, oo ka soo jeedda Bariga Burco, taasoo saameyn ku yeelatay miisaanka uu Gobolka ku leeyahay Xisbiga Khilaafku hadheeyay ee Kulmiye.
Gudoomiye ku xigeenka wadani ee Gobolka Togdheer C/risaaq Axmed Cali oo ka hadlay Shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Magaalada Burco ayaa iftiimin ka bixiyay hadal uu sheegay in turjumaad khaldan laga bixiyay.
Guddoomiyaha ayaa yidhi''Halkan waxaanu isugu nimi sixitaan aanu ku cadaynayano Xubno ay ka mid yihiin Xasan Suldaan Cali oo ah inanka uu Suldaanka Guud dhalay iyo Caaqil ka mid ah Cuqaasha Aadan madoobe Caaqil Khadar Xasan Nuur oo halkan fadhiya,waxaanu cadaynaynaa inuu xasan Suldaan C/laahi aanu ahayn Suldaankii Guud ee uu yahay inankiisii,Caaqil Khadar xasan yahay Caaqil beesha aadan madoobe ee aanu ahayn Chief Caaqilka reerka,waxaan leeyahay hadalada yaan si kale loo tur jumin dalku xisbiyo badan buu leeyahay”
Xasan Suldaan C/laahi Suldaan Cali oo ah Wiilka uu dhalay Suldaanka Guud ee Bariga Burco cadeeyay inaanu marna sheegan Suldaanka Guud ''anigu maan sheegan Suldaankii Guud hadana seegan maayo ee waxaan ahay inankiisii oo gacan yarihiisii baan ahay,aabaahay ayaa Suldaanka Guud ah oo kumaan qabsan wax iga maqaninana ma jiraan ,sidii aanu maalintii dhawayd Wadani ugu biiray ayaanu hadana mawqifkii u taaganay oo maantana,Anigoo a xasan Suldaan C/laahi aniga iyo wixii taageerayaal ah ee iaga talo qaataa wadani ayaanu anahay.waxaa dadka la galiayay waa la xidhay taasna waxaan leeyahay cid na xidhay iyo cid na xidi kartaan ma jirto.
Caaqil Khadar Xasan Nuur oo isaguna ahaa Xubno dhawaan ku biiray Xisbiga wadani, kana soo jeedda qoyska Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo in muddo ahba muran kala dhexeeyay xubno kale oo ay isku deegaan yihiin ayaa dhi''Maalin dhawayd oo aanu wadani ku biiray ayaa si kale loo turjumay hadaladii aanu nidhi” – “anigu maan sheegan Chief caaqilkii reerka ee waxaan ahay oo markii hore ee aan xaflada ku biiritaanka ka hadlayna waxaan sheegtay caaqil beesha aadan madoobe cuqaasheeda ka mid ah,hadana waan ahay oo waddani ka bixi mayno”ayuu yidhi.
Caaqilka oo sii hadlay ayaa yidhi “Chief Caaqilka reerku waa ibraahin shaybe,saaka intaanu reerka shiray ayaa markii aan ka imi ayaa lay sheegay in saldhiga la tagay oo boolis i doonayay,waxaan leeyahay dadku waa xor nin waliba xisbiga uu doono ayuu galayaa aniguna waddani ayaan ahay aniga iyo beeshayda wixii iaga talo qaataa”ayuu yidhi.
Siyaasi Foos Maxamed Ducaale ahna Kusimaha Suldaan Madar Maxamed Ducaale ayaa isna yidhi''Arintani waa arin lagu xasaradaynayo dimuqraadiayada waxaana wada Wasiirada beesha,wixii laga tagay ee qabyaalada ahaaa ayay wadaan,in qof xisbi galay wax lala yaabo maaha,hadii Bahasha reero laga dhigo dee sidii dawladii C/raxmaan tuur ayaa laynooga dareeri,ee waxaan leeyahay wixii aynu ka nimi yaan laynagu celin,Madaxwaynaha habar jeclo kursiga may saarin waynagii saari kari wayanay,ee reer walba la shiray anigu Kulmiyaan ahaa walaalkay oo wasiir ah.
Xogahayaha Gobolka ee Xisbiga iyo aqoonyahan Cismaan C/laahi Cali ayaa iyana si wada jir ah ug hadlay in xoriada la ilaaliyo.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office