Horyaalka England todobaad walbo iskooro dheeraad ah ayaa kusoo kordhaan sidoo kalena xidigaha qaar kood waxay caadeesteen wixii horey loo dhigay inay jebiyaan ama wax ku daraan sidaa darteed waxaan idiin heynaa xidigaha todobadkan Premiership-ka England wax kusoo kordhiyeen hadaba hoos kaga bogo:
ü Wayne Rooney wuxuu noqday todobaadkan cayaaryahankii ugu horeeyay ee kubad meel dheer ka dhaliyo tan iyo sanadii 2009 waxaana sanadkaan kubad meel dheer ka dhaliyay Maynor Figueroa oo Wigan ka tirsanaa wuxuuna ka dhaliyay naadiga Stoke City.
ü Luis Suarez xili cayaareedkan wadar ahaan wuxuu dhaliyay ama dhiibay 39-gool Premiership-ka, kaliya sedex cayaaryahan ayaa taariikh ahaan goolal intaas la eg dhaliyeen ama dhiibeen Premiership-ka waxayna kala yihiin Alan Shearer, Andy Cole iyo Thierry Henry.
ü Chelsea marka ay garoonka soo galiso Gary Cahill iyada ayaa guuleesato waayo 71% dhamaan kulamadii ay cayaartay Premiership-ka ayadoo Cahiil u safan yahay Blues wey guuleesatay!
ü Martin Skrtel wuxuu xili cayaareedkan dhaliyay 6-gool Premiership-ka waxaana la yaab ah in 7-jeer ee uu kubada goosha ku tuuray uu 6-ka mid ah dhaliyay bal ka waran hadii fursado badanuu daafacan heli lahaa imisa ayuu dhalin lahaa!!
ü Tan iyo Markii uu Glen Johnson dhaawaca kasoo kabtay Liverpool waxay dhalisay 16-gool ayadoo cayaartay 4-kulan!
ü Yaya Toure todobaadkan waxaa u suura gashay inuu 16-gool ka dhaliyo Premiership-ka wuxuuna sedex gool dheeraaday goolashii uu horyaalkan ka dhaliyay 2012/13 iyo 2011/12 asigoo labadaas sano wadartooda dhaliyay 13-gool!
ü Andre Schurrle 10-kulan ee uu Jose Mourinho kusoo bilaabay xili cayaareedkan waxaa u suura gashay inuu dhaliyo 7-gool bal ka waran hadii kulan walbo oo Mourinho xidigan dhalinta yar kusoo bilaabi lahaa!