Friday, November 22, 2013

Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay qaaday Jidkii Ay Ku Halligantay Dawladii Daahir


Inta badan waxa iska caado ah inay ku dhaqaaqdo xukumad Afrikaani ahi




hab-dhaqano xun iyo tallaabooyin baalmarsan shuruucda iyo qawaaniinta




u degsan, dabarkana u ha. Iyadoo si jar iska xoornimo ama indho isku




qabad ah u jabisa sharciga dalka u yaalla, taasoo aakhirkana




dhaxalsiisa cidhib xumo aanay ka soo kaban karin.




Waxa baryahan dambe isa soo tarayey tallaabooyinka quracan ee ay




samaynayso xukumada uu hogaamiyo Madexweyne Axmed Maxamed Maxamuud




[Siilaanyo], kuwaasoo guud ahaan shacabi weynaha reer Somaliland guddo




iyo dibeddaba ku keentay u qaadanwaa.




Ficilladdan ugubka ahi, una daran maqalka dadweynaha ay masuulka




tahay, ayaa isugu jira sharci jabin toosa, xajiimayn, cambaarayn ay




kula kacayso asxaabta mucaaradka ah iyo waliba Golaha wakiiladda oo ay




dabadda ka riixayso, isla markaana ay hurinayso kuna shubayso basiin




khilaafka cusub ee u dhexeeya Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda oo ku




jooga cod dadweyne.




Iyadoo ay badan tahay tallaabooyin sharciga baalmarsan iyo ficillada




ceebaynta ah ee ay la dabagashay Xisbiyada Mucaaradkaa ee WADDANI iyo




UCID, ayaan waxa aan soo qaadan doonaa dhowr ficil oo ay xukumaddu ku




kacday dhowaanahan, kuwaasoo la arko inay ka shalayn doonto, kuna




dambayn doonto gacan, dhafoor ku qabasho iyo qoomamayn, marka la




gaadho doorashooyinka Madextooyadda iyo Baarlamaanka oo ay shacabka




reer Somaliland caado u leeyihiin inay ugu abaal gudaan sidii ay ugu




soo listay mudadii ay xilka haysay.




Dariiqan cidhib xumadda iyo halaaga ahi maaha wax ku cusub maqalka




shacabka reer Somaliland ee xalaasha, isla markaana jecel dalkooda,




habeen iyo maalina heeganka ugu jira dhisida, horumarinta, ka midho




dhalinta qadiyada aqoonsiga iyo ilaalinta qaranimadooda lagu waayey




halyeeyo dalkan qiimo badan ku lahaa. Balse waa jid ay hore u martay




Xukumaddii ka horeysay ee uu gadh-wadeenta ka ahaa Md Daahir Rayaalle




Kaahin, taasoo dhaxalsiisay cidhib xumo iyo haraati daran oo ay




shacabku ku dhufteen markii la gaadhay maalintii doorashadii




Madextooyadda 26-kii June sannadkii 2010-kii, wakhtigaasoo shacabku




afka ciida u dareen, kana aargoosteen xukumadii Rayaalle.




Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay halkee ayey dadweynaha




reer Somaliland ka qaniineen Xukumaddii Rayaalle, hadii aan ka jawaabo




waxa kow laba ka ahaa. Markii ay xukumadaasi ay xidhay, isla markaana




qufulweyn saartay Golihii Wakiilladda ee ay ummaddu soo dooratay




hadhka cad, iyadoo si toos ah u jabisay shuruucda iyo distuurka JSL oo




ay ku cad yihiin mihiimadda uu golahani dalka u leeyahay, iyadoo oo la




ogaa inay dadweynaha reer Hargeysa u hiilyeen wakhtigaas




shir-guddoonkii iyo xildhibaanadii dibed wareega ahaa, kuna dhinteen




muwaadiniin.




Sidoo kale, waxaanay shacabku dhegahoodu maqli karin asxaabta




mucaaradka ah ayaa dalka burburinaysa, taasina waxay caado u ahayd




Xukumadii Rayaalle oo iyadu markasta u jeedin jirtay dhaleecayn,




cabaarayn iyo wanjalaad sal iyo raad toona lahayn asxaabtii mucaaradka




ahayd ee UCID iyo KULMIYE, ficilladii xumaa ee ay xukumaddaasi ku




wanjali jirtay asxaabta ayaa waxa ka mid ahaa waa argagixiso Xisbiyada




mucaaradku, dalka ayey burburinayaan oo qandaraas ayey soo qaateen iyo




qaranimadda Somaliland daacad kama ah.




Iyadoo ay sidaas tahay, ayaa xukumada hada talada hayse ee KULMIYE




martay jidkii noocaas ahaa ee galaaftay xukumadii ka horeysay, waxay




bilowday inay shiidaal ku shubt khilaafka u dhexeeya shir-guddoonka




golaha wakiillada ee salka ku haya isku shaandhayntii uu Guddoomiye




Cirro ku sameeyey golaha uu guddoomiyaha ka yahay oo uu xaq u leeyahay




inuu kala badelo. Waxaana laga dareemayey maalmihii u dambeeyey




xarunta golaha iyo Madextooyadda dhaqdhaqaayo ku wajahan sidii looga




horjeedansan lahaa isku shaandhayntaas, waxaanay u adeegsantay




xukumadu xildhibaanadeeda KULMIYEYSAN ee ku hungoobay inay xilal ka




qabtaan guddi hoosaayada cusub, kuwaasoo u badan qaar sideedii sanno




ahaa guddoomiyeyaal. Waana ficil cid gaar ah loogu raadinayo xil.




Sidoo kale waxay xukumadani kula mataanowday tii ka horeysay ficillada




xun ee ay ka mid yihiin arinta qandaraas burburin ah ayey soo qaateen




mucaaradku, sida ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Guddaha Cali Maxamed




Warancadde oo uu wanjal ma dhalaysa lana soo arkay cidhib xumaantiisa,




kaasoo yidhi dooda qaran ee ay waddaan labada xisbi mucaarad ee UCID




iyo WADDANI waa qandaraas ay ka soo qaateen dawlada Somaaliya, taasoo




xisbiyaduna si cad u sheegeen in aanay waxba ka jirin arintaas.




Haddaba waxay eegnaa bal waxay faa’ido xukumadani jidkii galaafay




xukumadii ka horeysay, taasoo shacabkii iyo fartoodiina diyaar tahay.




Khadar Ali Hussein [Shiine]




E-mail: khadarshiine012@gmail.com.




Hargeisa/Somaliland.