Friday, November 22, 2013

Awdal: Gudoomiyaha Gobolka oo ka walaacsan Guryaha Dawladda oo Gacanta u galay shacbiga


34530Boorama-(GNA) Badhasaaka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa ka dayriyay xaalka guriyihii ay dawladu lahayd ee gobolka Awdalay ku sugan yihiin, waxana uu tilmaamay inay u gacan galeen dad gaar ah maanta isla markaana ay dadka shacabka ah ee guryahaasi qaatay ay u arkaan hanti baylacsan oo aanay jirin cid u ehel ahi.




Badhasaabka oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waxa aad moodaa in hantidii dawlada ee gobolka Awdal ay si gaar ah u baylasan tahay, dhamaan guryihii dawlada waxa maanta qaatay oo ay u gacan galeen dad shacab ah kuwaas oo aaminsan inay guryaha dawlada ee hantida la wada leeyahay ahaa ay yihiin hanti baylahsan oo aanay jirin cid u ehel ah, gobolka Awdal arintiisu waa mid si gaar ah u xanuun badan, waxana muuqata in hantidii dawlada, ha noqoto guryo, hanoqoto beero, ama hantikale oo maguurto ahba’e ay dadku qaateen.




 Badhasaabku waxa uu sheegay in ay arintaasi dareensan yihiin isla markaana ay qorshe ka leeyihiin waxana uu yidhi “Waxa noo qorshaysan in badi hantidaas dawlada aan ku soo celino gacantii dawlada, isla markaana dadka ku jira dhismayaasha dawlada ama haysa dhulkii kale ee danta guud ahaan aan dib u dajin u samayno oo aan meel kale dajino, taasi waa hindisaha noo qorshaysan ee aan rabno inaan ku daba-qabano hantidii danta guud ahayd ee noqotay mid u gacan gashay dadka gaarka ah”




 Sidan waxa uu sheegay Badhasaab Caboo mar uu soo kormeeray xarunta Wasaarada Boosaha ee Gobolka Awdal isaga oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas iyo masuuliyiin kale.




Gobanimo news.com




Borama office