Hargeysa(GNA) Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa caawa casho sharaf qasriga Madaxtooyadda Somaliland ugu sameeyey safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya iyo wefti uu hogaaminayo oo ku sugan Hargeysa.
Halkan ka Daawo:-
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka turkiga u qaabilsan wadamada Somaliland & Somalia iyo weftigii uu hogaaminayey.
Kulankaas oo muddo saacado ah qaatay waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici)waxaana lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka turkiga iyo sidii ay ganacsatada Turkigu maalgashi uga samayn lahaayeen gudaha Somaliland, iyo sidii Dalka Turkigu uga furan lahaayeen Somaliland xafiis heer safaaradeed ah.
Halkan ka Daawo: