Saturday, November 23, 2013

Hooyada Samafalka Caruurta Somaliland Oo Maanta Deeq Uu Qaybisay Caruurta Darbajiifka Borama






 




 




 




 




 




 




Borama(GNA) Iyada oo ay magaalada borama ay ku sugan tahay hooyada samafalka caruurta Somaliland mawro luul xasan mataan ayaa waxa ay maanta caruurta darbajiifka magaalada borama uu qaybisay sharaab iyo cunto iyada oo ay ganacsatada,quurbajoogta iyo bulshada Somaliland ay ka codsatay in laga qayb qaato xaruunta cusub ee lugu xanaanayn doono caruurta darbajiifka Somaliland ee laga hirgalinayo borama…




luul2




 Hadaba luul xasan mataan oo saxafada la hadlaysay ayaa waxa ay sheegtay”Waxa Maanta Ii Farxad ah In la fadhiyo Qaar ka mid ah caruurtii aan jeclaa in aan waligay aan uu gargaaro oo ku jira qayb ka mid noloshayda ee loo yaqaan caruurta darbajiifka oo aan nasiib aan uu helay in aan la kulmo iyaga oo ku sugan magaalada Borama Farxad ayey ii tahay In ay Kuwo Xaruntii joogay ay uu ku soo firxadaan Borama,Waxa aan Hooyo idin balan qaadayaa oo aan ilahay aan ka rajaynaynaa xarun ayaa la idiin dhagax dhigay in ay idin anfici doonto In aad ka heli doontaan Wixii aad ka heli jirteen xaruntii hore In aad ka heli doontaan Waxbarasho,hoy aad seexataan oo nadiif ah,Caafimaad,Sport ilahay waxa aan ka baryaayaa in ay noqon doonto tu aad ku farxi doontaan isla markaana aan ku dadaali doono in sida ugu dhakhsiyaha badan aan uu hirgelin doono.




luul3




Waxa kale oo aan Baaq uu Jeedin Doonaa Muwada Reer Somaliland,Quurba Joogta,Ganacsatada,Culuwo Awdiinka In ay Ka qayb qaataan Sidii Loogu Hirgelin Lahaa Xarunta Lagu xanaanayn Doono Caruurta Darbajiifka Somaliland..




luul1




Sidoo Kale sida aad wada Ogsoon Tihiin Xaruntii aan ku xanaanayn Jirney Caruurta darbajiifka ee Hargaysa ay xukumada haatan Talada dalka ay haysa ay xoog ku qaatay wixii aan ku tabcay,Taasi Oo ay waliba ay ii soo dhex mareen Xubin Ka soo Jeeda G.awdal, Halkan hada waxa ila Joogo Qaar ka mid caruurtii aan xaruntii Hargaysa aan ku hayn jirey Oo mar kale nasiib ii helay in aan dib aan ugu soo celiyo Xarun kale oo lagu xanaaneeyo…”




Gobanimo news.com




Borama office