Thursday, November 21, 2013

Somalia: in ka badan 168 Xildhibaan oo Saxeexay Mooshin ka dhan Saacid


Muqdisho(GNA)-Mowshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa loo gacan geliyey gudoonka baarlamanka kaasoo la sheegay in ay saxiixeen in ku dhow 168 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan.




Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa laga soo xigtay in Mooshinkaasi gacanta laga geliyay guddoonka Baarlamanka Maanta gelinkii hore, ka dib todobaad ku dhawaad olole lagu soo diyaarinayay ka socday magaalada Muqdisho.




Arrintan ayaa ka dambeysay khilaaf meel adag gaadhay oo u dhexeeya Reysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha, kaasoo u muuqda in xukuumadda Raysal-wasaare saacid lagaga takhalusayo.




Kala hororsi xildhibaanada ah oo lacago lagu bixinayay ayaa maalmahan laga dareemayay meelaha ay ku kulmaan siyaasiyiinta Dawladdu.




Reysal-wasaare Saacid ayaa Maanta oo Khamiis ah Guddoominayay Shirka Golaha wasiirrada ee todobaadlaha ah, kaasoo u muuqda inuu yahay kii ugu dambeeyay ee uu Kursiga ku sii maca salaameynayay.




Saacid Shirdoon ayaa isaga laftiisu ku goodinaya sidii u difaacan lahaa Kursiga, ka dib markii uu diiday inuu is casilo.




Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in saacaddu markii ay aheyd 1:00-dii duhurnimo ee maanta loo gudbiyey mowshinkan gudoonka Baarlamanka iyadoo moshinkan oo uu gadaal ka riixayo madaxweynaha Somalia lagu dalbanayo in kalsoonida lagala laabto xukuumadda uu horkacayo ra’iisul wasaare Saacid.




Dhawaan ayuu sheegay in muranka isaga iyo madaxewynaha soo dhex-galay uu yahay mid ku saleysan dastuurka uuna doonayo in baarlamaanka hortiisa lagu kala baxo.




Baarlamanka ayaa ansixiyey qodob xeer hoosaadkiisa ku xusan oo sheegaya in xildhibaankii saxeexa mowshin aanu dib uga laaban Karin, iyadoo gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari la filayo inuu maanta ama beri dalka dib ugu soo laabto.




Sheekadda ku saabsan Khilaafka labada Masuul ayaa haatan maraysa in lagu kala calaf qaado Baarlamanka hortiisa, isla markaana kii guushu raacdo la arko.




Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa haysta muddo xileed dhan afar sanadood oo Baarlamanka looga doortay sanad ka hor, xukuumadduna waxay dalka maamulaysay muddo ku siman sanad gudihii.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com