“Xildhibaanada Beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn oo dibada uga baxay Doorashada iyo Sanaag oo abaabul ka socdo”Warbixin
Garoowe(GNA)-Walaac laga qabo qabsoomida Doorashada Madaxweynaha ee loo muddeeyay 8 Bisha January ee sanadka soo socda, ayaa ah dareen bulshada Gobolka labtooda ka guuxaysa, taasoo ay dheertahay Dastuurka oo Khatar ugu jira inuu burburo, ka dib markii xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Buuhoodle ka baxeen Golaha beeluhu soo xusheen.
Sidoo kale waxa arrintan sii cakiray Deegaamada Bariga Sanaag oo uu muuqda inay ka rejo dhigeen ka sii mid noqoshada nidaamka Garoowe oo ay gabi ahaanba iska dhex waayeen saami qaybsiga dhinacyada dhaqaalaha, Shaqaalaha iyo waliba Golaha xukuumadda oo ay wakhti dheer qawadsanaayeen.
Bishii Jully ee sanadkan ayay ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole Digreeto ku laalay doorashada,saacado yar ka dib markii fowdo ka dhalatay deegamadii la geeyay sanaaduuqda codbixinta, isla markaana meelaha qaarkood lagu gubay qalabkii doorashada.
taasoo sababtay in horaanta bisha koowaad ee sanadka cusub dib loogu riixo doorashada.
Inkasta oo Olole balaadhan loogu jiro doorashada rajo xumada laga muujinayo, hadana dadka ka faalooda arrimaha Puntland waxay saadaalinayaan inaanay arintu sidii loogu talo galay noqonayn, sababo la xidhiidha duurahan hada soo waajahay awgeed.
17kii xildhiban ee beesha dhulbahante puntland ay ku lahayd way ka ka baxeen tastuurkiina sidaasii ku burburayaa doorashana dhici mayso 8 janury 2014, waxaana muuqata xaaladaasoo xaasaasi oo taagan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Magaalada Garoowe, kaasoo sababo la xidhiidha xaasaasiyada arrintan magaciisa codsaday inaan la shaacin.
Waxaanu intaasi ku daray “xaalada waxaa sababay beelihii puntland wada samaystay baa beel qudhihi isa siisay oo aan leex leexad lahayn, takale beesha warsan geli wixii maamul ama hay’adahii dawliga ahaa waa laga qaaday oo hal buug oo dawladu leedahay kama shaqeeyo”ayuu yidhi.
Bulshada ka soo jeedda Goboladda Sanaag, Sool iyo Buuhoodle oo qayb ka ahaa dadkii u codeeyay Dastuurka Puntland ayaa u arka inay Beesha Nugaal iyo Bari isku koobtay Kuraasta ugu saraysa ee Maamulka iyo inta badan ilaha dhaqaale ee dalka, taasoo ku khasabtay go’aamada qaateen.
In ka badan 17 ka mid ah Madax-dhaqameedka Bariga Gobolka Sanaag, ayaa bayaan ay soo saareen ku iclaamiyey inay 30-ka bisha koowaad ee sanadka 2014-ka ay qabanayaan shirweyne ay u dhan tahay beesha Bariga Sanaag.
Shirkan oo ay sheegeen in lagu qabanayo Magaalada Badhan ee xarunta Bariga Gobolka Sanaag, ayay sheegeen in lagaga tashanayo aayaha dad iyo deegaankaasi, isla-markaana uu ka madax-banaan yahay siyaasad.
Nuqul ka mid ah baaqa Madax-dhaqameedkani soo saareen oo Somalilandtoday.com heshay, ayaa u dhignaa sidan “Markii aanu kulannay, haddii aanu nahay nabaddoonada hoos ku qoran, waxaanu isla garanay in shirweyne la isugu yimaaddo lagaga tashan doono aayaha dadka iyo dalka, taariikhdu Markay tahay 30/01/2014-ka, shirkaasi oo lagu qaban doono Magaalada Badhan” ayay ku yidhaahdeen baaqaasi.
Dhinaca kale, waxa socda qorshe madaxdhaqameedyada Gobolku ku waajahayaan xaaladaha siyaasadeed ee doorashada ku lamaan, kaasoo uu bilow u yahay shir lagu qabanayo Magaalada Gaal-kacayo.
Madaxweyne Faroole, ayaa Bishii October si rasmiya u kala diray Golihii Baarlamanka ee hore xili aan la soo dhamaystirin xulida kuwa cusub ee bedeli raba, taasoo kala dhantaashay nidaamkii dawliga ahaa.
Kala dirista Baarlamanka hore ayaa loo arkaa inay ahayd Khalad siyaasadeed oo Faroole ku kacay, taasoo dhinaca kale sawiraysa in maamulka hada jiraa wakhti dherersi doonayo.
Doorashada iminka la naawilayay waxa u taagan in ka badan 11 Musharax oo ay ku jiraan Faroole iyo Raysal-wasaarihii xukuumaddii Sheikh Shariif Dr Cabdiwali maxamed Gaas, kuwaasoo ka mid ah dadka ugu cad-cad ilaa hada loolanka socda.
Sidoo kale musharixiin uu ka mid yahay Wadaad madax ka ahaa shirkadda Golis oo lagu tiriyo Koox diimeedyada qunyar socodka ah ayaa ka mid ah dadka u ordaya hogaaminta Maamulka Puntland ee shanta sanadood ee soo socda.
Balse si kasta oo ay xaaladuhu yihiinba saansaanta siyaasadeed iyo saadaasha ay bixinayaan dadka ku foogaan arrimaha siyaasaddu waxay muujinayaan in gobolka mushkilad culus oo dhanka siyaasadda ahi ku soo fool leedahay, suurtogalna ay tahay in isku dhac yimaado hadii Dr Faroole wakhti dambe u riixo doorashada.
Dhinaca kale, iyadoo muddo kooban la sugayo xiliga doorashada loo qabtay, waxa culays baaxadiisa leh soo kordhiyay khasaaraha ka dhashay duufaanta todobaadyo ka hor ku dhufatay Xeebaha Gobolka Barri iyo qayb ka mid ah Nugaal iyo Mudug.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com