Garoowe(GNA)-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay o maanta soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa kulamo ay albaabadu u xirnaayen la qaatay qaar ka mid ah musharaxiinta u loolamaysa jagada madaxweynaha Puntland .
Kulamadan oo aysan saxaafadu ka qayb galin ayuu si gooni gooni ah ula kulmay Danjire Kay qaar ka mid ah musharaxiinta Puntland oo kala ahaa Musharax Cabdi Dahir Maxamed Yusuf, Musharax Cabdiraxman sh Maxamed Xasan Gablax, Musharax Cabdulaahi Cali Mire Carays, iyo Musharax Maxamed Cali yusuf Gaagab, oo dhamaantodba ka tirsan murashaxiinta doonaysa jagada madaxweynaha Puntland.
Nicholas Kay ayaa kala hadlay musharaxiinta arimaha doorashooyinka Puntland ee dhawaan dhici doona isagoo sheegay in beesha caalamku ay doonayso in si nabad ah iyo guul ay ku soo dhamaadaan doorashada madaxtinimada Puntland ee dhacaysa horaanta sanadka 2014.
Musharax Cabdiraxman Gablax oo ka mid ahaa musharaxiinti ka qayb gashay kulanka ayaa u sheegay in danjire Kay ay kala shireen arimaha doorashada Puntland, habka ay haatan wax u wado xukumada madaxweyne Faroole iyo sidii si cadaalad ah ay ugu dhici lhayd doorashada Puntland.
Gablax ayaa sidoo kale sheegay in danjire Kay uu aad u doonayo in la so dadajiyo xulista xildhibaanada iyo shir weyne ay yeeshaan isimada Puntland si loo abaabulo doorasho taariikhi ah oo ku dheehan horumar iyo cadaalad .
Nick Kay ayaa kulamada ka dib waxaa uu la hadlay saxaafada isagoo sheegay in si wanaagsan ay ugu soo dhamaaden dhamaan kulamadii uu la qaatay Isimada iyo qaar ka mid ah musharaxiinta Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in la tixgalin doono codsiga musharaxiinta iyo afkaartooda ku aadan hanaanka doorashada madaxtinimada Puntland ee dhacaysa sanadka soo socda waxaana u intaas ku daray in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaadan doonto habsani u socodka doorashada.
Ugu danbaytii Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku booriyay dhamaan musharaxiinta Puntland in ay qayb ka qaatan hanaanka doorashada Puntland isla markaana ay ka shaqeeyan in doorashadu si nabad ah ay ku soo dhamaato sanadkan.