Tuesday, March 25, 2014

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Taageero waydiistay Jaamacadda Carabta


  macluumaadKuiwat(GNA)-Madaxweynaha Somalia ayaa gaadhay dalka Kuiwat si uu uga qayb galo shirmadaxeedka Jaamacadda carabta oo halkaasi ka furmaya.




Shirka ayaa looga hadlayaa qul-qulatooyinka wali ka sii socda dalalka carabta iyo Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diirada loo saari doono xiisada Suuriya, Masar iyo isbedelada ka dhacay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay.




Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa markii  uu soo gaadhay Kuiwat si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, waxaanu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha uu shirkaasi ku soo bandhigayo ee la xidhiiha arrimaha dalkiisa.




Xasan Sheikh ayaa tilmaamay inay waddamada carabta waydiisanayaan Taageero  dhinacyo badan lagu horumarinayo, khaasatan mid lagu badhi taarayo isbedeladii ugu dambeeyay ee gudaha ka dhacay.RKU




Madaxweynaha ayaa  yiri: " Ummadda Carbeed, waxay u baahan yihiin inay kacaan, si caqabadaha na horyaala si wadajir ah loogu waajaho. Waxaan ognahay in kuwiin dib loo eego horumarka aadanaha iyo waxaan u baahan nahay inaan sameeyo wax badan ka fiican loo waafajiyo hay'adaha siyaasadeena sidii qarnigii labaatanaad .




"Waxaan si furan uga doodi doonaan hawlgallo nabad-dhisid iyo mashaariic horumarineed oo ay cusboonaysiiyaan asxaabteena si aanay u liicin guusha laga gaadhay weerarada Al Shabaab , " ayuu yiri Madaxweyne shekh .




Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaasi raaciyey "Ka dib guushii milatari ee ka dhanka ah cadaawayaasheenna waxaan raadin doonaa in la helo xal waara in ay colaadda soo noqnoqaynsaa meesha uga baxdo .




dhammaan dadka Soomaaliyeed waa inay  ciidamada ku soo biiraan si ay u dhisaan dalka . "