Thursday, March 13, 2014

Dil suge Madow Maraykan ah oo laga sii daayay Xabsi 30 sano ka dib


fordNewyork(GNA)-Nin xabsiga ku jiray muddo 30 sano oo xukun dil ah sugayay ayaa la sii daayay dalka Maraykanka.




Glenn Ford waxaa laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Louisiana kaddib markii maxkamad ay burisay xukunka horey loogu riday.




Ninkan oo haatan 64 jir ah ayaa ah nin madow oo xukun ay ku rideen garsoorayaal wada caddaan ah.




Garsoore cusub ayaa xukunka ninkan lagu sii daayay riday, isagoo sheegay in la helay caddeymo muujinaya in Ford uusan meesha joogin xilliga uu dilka loo haystay dhacay.




Qareenka u dooda Ford oo lagu magacaabo Gary Clement ayaa sheegay in sii daynta Ford ay ahayd mid la filayay muddo dheer.




Ford ayaa u muuqda Nin la qabsaday nolosha Xabsiga uu ku jiray soddonka sanadood.