Thursday, November 21, 2013

Wasiir Xaglo toosiye oo Bedelay Qaab dhismeedka Wasaaradda Caafimaadka


Hargeysa(GNA)-Wareegtooyin ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Caafimaadka ayaa lagu shaxeeyay isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedka Wasaaradaasi.




Sidoo kale wareegtooyinkaasi oo Gobanimonews heshay waxa isku shaandheyn lagu sameeyay gabi ahaanba Agaasime waaxeedyadii Wasaaradda iyo madax Goboleedyada qaarkood.




Wasiir Xaglo-toosiye ayaa qaab dhismeedka wasaaradda ku soo kordhiyay laba waaxyood oo oo cusub oo aan hore u jirin, kuwaasoo kala ah Xafiiska Hawl-galka Qaran ee dalka (National health Primary Care) iyo Xafiiska maamulka Daawooyinka (Drugs Authorteis), kuwaasoo si toos ah u hoos imanaya Xafiiskiisa, kana madaxbanaan Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud.




Sidoo kale waxa uu bedelay Isuduwihii Gobolka Maroodi-jeex Sayid, Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Lacagta, Agaasime waaxeedkii Qorsheynta Wasaaradda iyo xubno kale oo agaasimeyaal iyo Madax goboleedyo ah.




Waraaqaha isku shaandheynta lagu sameeyay madax xafiiseedyeeda wasaaradda oo lagu soo dhejiyay Boodhadhka Ogaysiisyada wasaaradda, ayaa sidoo kale waxa lagu muujiyay, in qaar ka mid ah Saraakiisha la bedelay bedelay loo magacaabay Xafiisyo kale oo ka tirsan Wasaardda.




Sida lagu sheegay Wareegtada wasiirka oo Nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay, Agaasimihii Maamulka iyo lacagta Cabdi Xuseen, waxa loo magacaabay Isuduwaha Gobolka Maroodi-jeex, sidoo kale madaxii waaxda qorsheynta waxa loo magacaabay xafiiska adeega Caafimaadka.




Si kastaba ha ahaatee isku shaadheynta iyo qaab dhismeedka cusub ee wasiirku ku sameeyay Wasaaradda Caafimaadka ayaa buuq iyo jahawareer ka abuurtay wasaaradda tan iyo markii ay soo baxday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com