Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib muddo todobaadyo ah oo uu safar ugu maqnaa dalka Ingiriiska.
Xirsi ayaa dalka Ingiriiska ugu maqnaa laba arrimood oo kala ah, dhamaystirka aqoon Jaamacadeed oo uu kaga jiray jaamacad ku taala Ingiriiska iyo qaadhaan uruurinta Laamiga Ceerigaabo oo ah Mashruuca qudha ee uu xiligan ku xadfanyahay, isla markaana ku lumiyay shaqooyinkiisii kale ee Wasaaradda madaxtooyada iyo ka talo bixinta siyaasadda dawladda.
Madaarka Diyaaradaha ee Caasimadda hargeysa ayaa la filayaa inuu ka soo dego gelinka dambe ee Maanta.
Dib u soo laabashadiisa ayaa ku soo beegantay xili intii uu maqnaa si wayn loo hadal hayay inay Kursigiisa Wasaaradda madaxtooyada hungureeyeen Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku sime u ahaa iyo Xildhibaan Cali Mareexaan.
Waxa uu waajahayaa Xaaladdo siyaasadeed oo ka oogan gudaha xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo si weyn loo hadal hayay sababta uu uga maqnaaday oo dhinacyo kala duwan loo sibir-saarayay.
Waxa uu dalka Ingiriiska kala soo laabtay lacag gaadhaysa Hal Milyan oo doolar oo qaadhaan ah, taasoo ay Wadada Ceerigaabo ee uu ku mashquulay u soo uruuriyeen Jaaliyadda reer Somaliland ee dibaduhu.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com