“Waran-cadde oo galabta Nus-darsin Oto-oto ah ku wareejiyay Ciidanka Nabad-gelyadda waddooyinka iyo Fadal oo Iclaamiyay Hawl-galo qabo oo sharciga mari ah+Sawirro.
Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Gaadiid nooca gurmadka Deg-deg Bilayska ah oo tiradoodu dhantahay 7 Gaadhi (oto-oto) ku wareejiyay Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka Somaliland.
Gaadiidkan oo lix ka mid ah ay yihiin Gawaadhida yar yar ee Indho cadeyaasha loo yaqaano, ka kalena Xaajiyad 4WD, yahay, ayaa lagu wareejiyay munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo uu ku guddoomay Gaadiidka Taliyaha Bilayska Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Taliyaha Ciidanka Bilayska Cabdilaahi Fadal oo wareejinta Gaadiidkaasi ka hadlay, ayaa wasiirka uga mahad-celiyay Gaadiidka oo ah qaybtii labaad ee Bilayska loo iibiyo, isla markaana daba socda toban gaadhi oo uu bishii Jully ku wareejiyay.
Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in talaabadani ay tahay mid lagu xoojinayo hawlaha Ciidanka Nabad-gelyada wadooyinka, kuwaasoo uu sheegay inay bilaabeen hawl-galo lagu xakameynayo Gaadiidleyada, isla markaana lagu qab-qabanayo dadka bilaa Liisanka ku wata gawaadhida iyo kuwa Xawaaraha Masuuliyad darada ah ku socda.
“Gaadiidkan waxa loogu talo inay Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka oo bilaabay hawl-galo lagu xakameynayo Gaadiidka qaaday, waana qaybtii labaad ee wasiirku ku wareejiyay Ciidanka”ayuu yidhi Taliye Fadal oo ka hadlayay xafladu.
Sidoo kale waxa uu iclaamiyay bilowga Hawl-galo Bariga iyo Galbeedka Gobolka Maroodi-jeex lagu eekeeyay oo Ciidanka waddooyinku qaadeen “waxaanu bilownay hawl-gal galbeedka iyo Bariga aanu ugu kala dirnay Ciidanka Nabad-gelyadda waddooyinka, kaasoo lagu qaadayo gawaadhida Xawaaraha dheer ku soconaya iyo kuwa ay wataan Darawaliinta aan Liisanka waddan.
Ciidankaasi waxay sitaan Buugii Ganaaxa, gaadhiga lagu qabto isagoo ku soconaya Xawaara 8KM ka badan magaalada dibadeeda waa la ganaaxayaa, qofkii bilaa Liisan ahna waa talaabo sharciga waafaqsan iyo ganaaxbaa laysugu darayaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Taliyaha ayaa Dadweynaha ku safra Gaadiidka u soo jeediyay inay xidhaan Beelka si hadii shil ku dhaco ay u badanbaadaan “dadka xidha Beelka hadii Gaadhigu la qalimo way badbaadaan badankoodu, qofkii Ilaahay u qoray mooyaane, markaa dadweynaha waxaanu u sheegaynaa Dawaraliinta iyo Rakaabkaba inay mar walba xidhaan Beelka, gadhigii lagu arko qof aan beelka xidhan isagana talaabo ayaanu ka qaadaynaa”ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed waran-cadde oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada gaadiidka uu ciidanka ugu iibiyay ay tahay si loo xoojiyo tayada Ciidamada amaanka haday tahay Bilayska dadweynaha iyo kuwa Nabad-gelyada waddooyinka.
“sidaan ognahay somaliland waa dal aan cidi Caawin oo hadana caalamku ku majeertay siday wax u qabsatay, sidaa darteed gaadiidka iyo kuwii horeba waxaanu ugu talo-galnay inaanu ku xoojino ciidanka bilayska, kuwaasoo shaqada ay inoo hayaan aynu ka wada dheregsanahay”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi raaciyay “Ciidanku waxay qaadayaan hawladaa Taliyuhu sheegay, markaa dadweynaha waxaan ku war gelinayaa inay ka foojignaadaan arrintaasi, waad ogtihiin oo Shilalka gaadiidku waxay inoogu soo badanayaan waa masuuliyad darada waddeyaasha, markaa ciidanku talaabooyinbay qaadayaan, Buugii Ganaaxa iyagoo sitay waddooyinka marayaan, gaadhiga lagu qabto isagoo ku soconaya Xawaare ka sareeya inta sharcigu ogolyahay iyo darawalka bilaa Liisanka ahba, waa la ganaaxayaa, hadii mar la ganaaxo, waa lagu celinayaa iyadoo lacagta lagu sii kordhinayo”ayuu yidhi.
Wasiirka ayaa ka sekow, Gaadiidkan Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka u iibiyay Dirays cusub,kaasoo loogu soo lebisay ku dhawaad Unug iyo badh dhoolatus kooban ku sameeyay Xaflada Gaadiidka lagu wareejiyay.
Dhinaca kale, Wasiirka iyo Taliyaha ciidanka Bilaysku waxay kulan albaabadu u xidhanyihiin ay la yeesheen Saraakiisha Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka, kulankaasoo ka dhacay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda.
Lama oga waxa shirkaasi ay kaga wada hadlayaan saraakiisha iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu , balse ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay ayaa tibaaxaya inuu ku saabsanyahay dar-daaran guud oo la siinayo Bilayska, si ay hawl-galadaasi xoojiyaan.
Shilalka Gaadiidka ayaa bilihii ugu dambeeyay ku soo badanaya dalka, waxaana sanadkan gudihiisa oo qudha dhacay 2875 Shil-gaadhi oo galaaftay nafaha Dad gaadhaya laba boqol ku dhawaad iyo Kumanaan Hanti ah oo kale, sida ay gobanimonews ka heshay Xog uruurin lagu kalsoonyahay oo la soo bandhigay.
Bulshada ayaa si weyn isu waydiinaysa sababta ka dambeysa shilalkan soo badanaya, balse dadka badankiisa ayaa aaminsan inay sabab u yihiin wado xumada iyo Masuuliyad darada wadeyaasha oo sii kordhaysa.
Hoos ka daawo Sawirrada Gaadiidka:
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com