Qaramada Midoobay oo dalbaday in Kiiska Gabadhan lagu sameeyo baadhis qoto dheer
Muqdisho(GNA)-Kiiska Gabadh Suxufiyad ah oo todobaadkii la soo dhaafay warbaahinta ka sheegtay inay Kufsadeen laba wariye oo ka shaqeeya ideecadda Dawladda ayaa u muuqda mid Jawahareer abuuray, isla markaana cambaareyn Caalamiya talooyin laga soo jeedinayo, ka dib markii bilaysku xidheen gabadhaas iyo wariyeyaashii waraystay.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaysa in kiiskan baadhis dheer lagu sameeyo, inta ka horaysana aanay dhibaato kale dhicin, iyadoo si taxadir leh talooyin uga soo jeedisay arrintan.
Faadumo Cabdiqaadir ayaa baraha Warbaahinta qaarkood uga warantay todobaadkii la soo dhaafay Kufsi ay ku eedeysay inay kula kaceen Cabdicasiis Afrika iyo Jibriil Cabdi oo ka tirsan Warbaahinta Dawladda.
Nicholas Kay oo ah u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu fariin uu soo saaray ku sheegay “Qaramada Midoobay waxa ay xaalada kufsiga cusub ee lasoo wariyay kala socotay Mogadishu. Waxa aan ka digeynaa in dhibaata dheeraad ah dhacdo. Astaamaha sharciga, baaritaanka gaarka ah iyo xoriyada saxaafadu waa arimo muhiim ah”.
Gabadha sheegatay in la fara xumeeyay ayaa ku andacootay in ay xoogeen laba wariye oo ka shaqeeya idaacada dowalda Soomaaliya kuwaas oo ay sheegtay in ay Basoolad ku qabteen kadibna ay sumcadeeda ku wax-yeeleeyeen.
Bilayska ayaa kadib markii ay soo baxday sheekadan fadeexadeeda leh xabsiga dhigeen Faadumo iyo Mohamed Bashir Hashi oo ah wariyihii wareystay iyo Cabdi malik Yusuf oo ah milkiilaha idaacada Shabeelle ee hada hawada ka maqan.
Sida ay baahisay Saafi films, Ragga lagu eedeeyay kufsiga ayaan jirin wali cid xirtay, inkasta oo aan la oegyn in su’aalo laga weydiiyay arintaani iyo in kale.
Labada Nin ayaa sidoo kale la sheegay in ay maxkamada u gudbiyeen dacwad ay ku sheegayaan in sharaftooda meel looga dhacay, isla markaana kaga dacwoonayaan eedeymahan loo jeediyay.
Halkan ka Daawo Waraysiga laga qaaday Gabadhan Suxufiyadda ah:-