Markii Raul Gonzalez Blanco uu dhaliyay goolkiisii 71aad ee Champions League labo sanno ka hor waxa uu aha 33 sanno jir. Waxa ay ciyaaryahankii hore ee Spain iyo Real Madrid ku qaadatay inuu rikoorkaas dhigo 144 kulan.
Xilli ciyaareedkan 26 jirka Leo Messi ama 28 jirka Cristiano Ronaldo ayaa jabin kara rikoodhkaas welibana ku jabin kara in ka yar 50 kulan.
Iska ilow tartanka Ballon d’Or dagaalkaan waxaa la xisaabinayaa goolal ee lama xisaabinayo codad, waana dagaal ka dhacaya tartanka ugu xamaasada badan adduunka.
Ronaldo waxa uu dhaliyay 59 gool oo Champions League 96 kulan uu ciyaaray, Messi waxa uu dhaliyay 65 gool 82 kulan uu saftay.
Rikoodhka gooldhalinta Champions League:
Raul 71
Lionel Messi 65
Cristiano Ronaldo 59
Ruud van Nistelrooy 56
Thierry Henry 50
Alfredo Di Stefano 49
Andriy Shevchenko 48
Eusebio 46
Filippo Inzaghi 46
Didier Drogba 42
Tirada goolasha ee rikoorkaan waa tartanka rasmiga ah ee Champions League kuma jirto kulamada isreebeerbka Champions League, sidoo kalena magacyada xiddigo hore oo ku jira waxa ay ku soo galeen markii tartankaan loo aqoon jiray European Cup oo aan Champions League loo bixinin 1992dii.