Muqdisho(GNA)-Siyaasiga Cali Maxamed Axmed, ayaa mar kale madaxweynaha Dawladda Federaalka Somaliya ku eedeeyay inuu dhegaha kaq furaystay talooyinka looga soo jeedinayo inuu ixtiraamo Dastuurka oo uu heshiis ku soo dabaalo khilaafka ka dhexeeya reysal-wasaaraha.
Hadalka siyaasiga ayaa imanaya xili uu cirka isku shareerayo khilaafka ka dhexeeya Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha.
Cali Maxamed oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud Ixtiraamka Dastuurka iyo inuu shacbiga xaq dhowro ka door biday olole ay dhawr qof hormuud ka yihiin oo reysal-wasaaraha lagu weerarsanyahay.
“Waxa muhiim ah in wax badan laga qoro xaaladda siyaasadeed iyo sida uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud qalalaasaha u gelinayo dalka.
Waxa uu dhegaha ka furaystay qaylo-dhaanta kaga imanaysa caalamka ee lagu leeyahay Dastuurka Ixtiraan oo ogolow inaad Heshiisaan Reysal-wasaaraha, talooyinkaasoo dhan wuxuu ka door biday, culayska ay ku hayaan shakhsiyaad aan ka badayn, oo kala ah Wasiirka arrimaha Gudaha, wasiirka Arrimaha dibada, Wariye Fahad iyo Cumar Dheere” ayuu yidhi.
Cali Daacuun ayaa sheegay inaan Xasan Sheikj Maxamuud cid dhegeysanaysaa jirin, hadii uu ka dhego adaygo talooyinka uga imanaya dhinacyada siyaasadda iyo Bulshada rayidka ah “Sidaasi darteed Madaxweynuhu hadii uu maqli waayo talada shacabka, isagana cid maqlaysaa ma jirto, waanan hubaa xasan sheikh Maxamuud inuu yahay ahayn madaxweyne aan ku kalsoonayn talada loo soo jeediyo, dhegehana ka furaysanaya rabitaanka shacabkiisa”.
Khilaafka Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha ayaa gaadhay heer Golaha Baarlamanka loo gudbiyo Mooshin ka dhan Xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon (Garaad).
Guddoonka Baarlamanka ayaa maalmaha soo socda ka baaraan degayo aqbalaada Mooshinkaasi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxtooyada oo la xidhiidha eedeymahan Madaxweynaha looga soo jeedinayo ku tumashada sharciga iyo Dastuur jabinta.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com