Sunday, June 23, 2013

Hordhaca Nigeria v Spain: Super Eagles Oo Shaqo Culus Ay Sugeyso Hadii Ay Doonayaa Semi-finalka Koobka Qaaradaha.


Xulka Nigeria ayaa fursadoodii ugu fiicneyd waxa ay aheyd kulankii Uruguay ee guuldaradada 2-1 ay ka soo gaartay, waxaana guuldaradaas ay keentay in xulka ka dhisan South America ay ugu cadcadaato u soo bixitaanka semi-finalka madaama kulankooda ugu danbeeya ay la ciyaarayaan Tahiti halka Nigeria ay caawa wajaheyso xulka koobka adduunka heysta ee Spain.




Nigeria waxaa qasab ku ah inay ka badiso Spain, xitaa taas uguma filnaan doonto laakiin waa inay ku duceystaan in Tahiti ay ugu hakiso Uruguay ama u diido inay goolal badan ku badiyaan si Nigeria aan looga soo bixin farqiga goolasha waa hadii ay ka soo talaabsadaan Spain.




LINE-UPKA MACQUULKA AH:




Nigeria: Enyeama; Ambrose, Omeruo, Oboabona, Echiejile; Ogu, Mikel, Ogude; Musa, Ideye, Babtunde.




Spain: Valdes; Arbeloa, Pique, Ramos, Alba; Xavi, Busquets, Iniesta; Pedro, Soldado, Fabregas.






  • Kulanka: Nigeria v Spain


  • Garoonka: Estadio Castelao


  • Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika (SGA)





Nigeria ayaa laga yaabaa in kulanka caawa ee Spain uu ka maqnaado weeraryahankooda Nnamdi Oduamadi.




 




 




Ciyaaryahanka ayaa la bedelay xilligii nasashada kulankii Uruguay ka dib markii dhaawac uu soo gaaray taakal xun oo lagu galay.




Spain ayaa la filayaa inay dib ugu soo yeertaan ciyaartoydii la nasasiiyay kulankii ay 10-0 kaga badiyeen Tahiti.




Weeraryahanka Valencia Roberto Soldado ayaa laga yaabaa inuu weerarka hogaamiyo inkastoo Fernando Torres iyo David Villa ay labadoodaba wadar ahaan 7 gool ka dhaliyeen Tahiti.











 

MA OGTAHAY?




  • Nigeria ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay. Iyadoo seddex kulan barbaro gashay halka guuldaradooda kaliya ay ka soo gaartay Uruguay.





  • Kulanka kaliya ee tartan rasmi ah ee ay Nigeria ka horimaado Spain waxa ay ku badiyeen 3-2 wareegii group-yada ee koobkii adduunka ee 1998.





  • John Obi Mikel ayaa saftay kulankiisii 50aad ee Nigeria kulankii guuldarada ay ka soo gaartay Urguay isagoo shabaqana soo taabtay.





  • Spain ayaan badisay shantii kulan ee ugu danbeysay, iyadoo dhinaca aan dhulka loo dhigin 24kii kulan ee ugu danbeysay.