Monday, June 24, 2013

Maraykanka oo dacwad rasmi ah kusoo oogay Edward Snowden.


(GNA) Edward Snowden oo xiligan ku dhuumaaleysanaya magaalada Hong Kong ayaa lagu eedeeyey fal-dambiyeed la xadhiidha Basaasnimo iyo Budhcadnimo.




Dowlada Maraykanka ayaa ka codsatay maamulka Hong Kong in gacanta loo soo geliyo ninkan oo ah kii shaaciyey habka ay sirdoonka Maraykanka xogta shacabka uga aruuriyaan isgaarsiinta internetka iyo telefonada.




Maamulka Hong Kong ayaan weli jawaab ka bixin codsiga rasmiga ah ee uga yimid dowlada Maraykanka oo dooneyso inay ciqaabto ninkan bixiyey sirta, ninkan oo isagu horey ulla soo shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in xogtan uu bixiyey maadaama uu sheegay inuu u arko xadgudub dowlada Maraykanka ku wado shacabka qaabka ay u aruuriyaan xogta oo ah mid baaxadleh.




Dhinaca kale waxaa la hadal hayaa in Edward Snowden uu doonayo inuu u baxsado dalka Iceland wadankaasi oo inta badan magangeliyo dadka u ololeeya madax banaanida internetka, wallow aan weli dhamaan wadahadal u socda dowlada Iceland iyo xubno matalaya sarkaalkan Maraykanka ah ee wadankiisa kasoo baxsaday.