Somalidu waxay tidhaahdaa Ilaahay ma Naxee wuxuu naaxariistaa.
Qur’aankuna wuxuu inoo bayaamiyay in Ilaahay yahay Raxmaanka Naxariista badan ee addoomihiisa u naaxariista.
Ilaahay waa Weynaha Koonka Uumay, waxaana qur’aanka lagu sheegay qof waliba maalin maalmaha ka mid ah Dib ugu laabanayo Xayaato aan qofna Indhihiisa ku soo arag ee Illaahay Qur’aankiisa ugu sheegay Adoomaha.
Hadaba Akhrista waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Qoraal qiso qiiro leh ka waramaya oo ay Gabadh Somaliyeed Face Book soo dhigtay.
Allaah ayaa Malaga Nafta qaada u soo diray inuu Nafta ka soo qaado Gabar Ajasheedii Dhamaatay, markii uu Malagii u yimid Gabadhii loo soo diray waxa uu u yimi iyada oo Safar ah, oo joogta Dhul lama Degaan ah,
Malagii waxa Wal-war ku abuuray Gabadhan uu Nafta ka qaadayo ee joogta Dhulka Geeri Go'anka ah, isla markaana haysta ilma yar oo Naaskeeda Jaqaaya, markii uu dhan walba Eegay waxa uu Arkay in goobta ay Gabadhan uu Nafta kaga qaadayo aanu Cidna ka ag dhawayn oo aan xataa la filayn inuu si Sahal ah ku soo maro.
Malagii Naftu aad ayaa uu ilmeeyey isaga oo ka Naxsan waxa ku dhici doona ilmahan yar ee ay Gabadhu sidato marka uu Hooyadii Nafta ka qaado, waa Malag oo hadal kama keeni karo Amar uu Alle u diray, sidaa awgeed isaga oo ilmaynaya ayuu Naftii ka qaaday gabadhii bartii cidlada ahayd ayaanu kaga tagay Maydkii gabadha iyo ilmihii yaraa oo isaga oo Nool gosha ugu jira.
sannado badana ayaa kasoo Wareegay dhacdadan Murugada ku abuurtay Malaga, kadib mar dambe ayuu Alle sidii Caadiga ahayd Malagii Nafta qaadayey u soo diray inuu Nafta kasoo qaado Nin Waayeel ah. markii uu Malagii soo gaaray Odaygan oo da'da ah waxa uu Dul taagnaa Nin Tumaal ah oo uu ka Dalbanayey inuu Jufo ugu sameeyo Ul uu ku Tukubayey, Ereyada uu Ddaygani ku lahaa Tumaalka ee Malagii ka yaabiyey waxaa ka mid ahaa:- War waxaan kaa Rabaa inaad ii Samayso Jufo Caqiibo leh si aanay Ushani iiga dhamaan sannado badan.
Malagii ayaa markii uu Odaygan iyo Tumaalkii isku Dhagaystay aad ayuu ula Fajacay oo Qoslay isaga oo la yaaban sida Adag ee uu Odaygani ugu sii Dhaggan yahay Nolosha isaga oo Da'daas ah, haddana uu weli ku Fikirayo in Ushani ay sii Anfacdo Sannado badan oo Dambe, isaga oo aan ogeyn in Cimrigiisa ay ka Harsan yihiin Daqiiqqado keliya, oo Malagii Nafta ka Qaadayey aanu Garabkiisa ka Dheerayn, Malagii Shaqadiisii ayuu Qabsaday oo Odaygii oo aan Intifaacsan Jufadii uu Ushiisa u doonayey ayaa uu Nafta ka Gudoomay.
Haddaba markii uu Malagii Odagii Naftii ka qaaday ayuu Illaahay Malaagii Nafta u soo Waxyooday "SHARAFTAYDA IYO WEYNIDAYDA AYAAN KU DHAARTAY EE KII KAA OOHIYEY WEEYAAN KAN KAA QOSLIYEY MAANTA" ayuu Allaah SW, Malagii ku yiri.
(ILAAHOOW KHAATUMADEENA KHEER KA DHIG YAA RABBI).
Xigasho Ilhaan Faleebo Wall Facebook