Monday, June 24, 2013

Wajaale: Ciidanka Bilayska iyo Kooxo isku Haysta Xamaalista Baddeecadda Tuugada lagu geliyo Itoobiya oo Iska hor-imaad dhex maray


Garbo-haadlay(GNA)-Tuulada Garbo Haadlay oo dhawr KM  dhinaca Galbeed kaga began Magaalada, Wajaale, waxa maanta iska horimaad ku dhex maray Ciidamo Bilays ah oo halkaasi u tegayMuran ka dhexeeya  Xamaaliin sida la sheegay si Koontara Baanka ah Alaabta uga talaabiya Xuduudka Itoobiya iyo Koox Dhalin yaro ah oo Xamaalintaasi ka mid ah.




Ugu yaraan Laba qof oo Rayid ah iyo Askar Bilays ah oo aan tiradooda la xaqiijin ayaa dhaawacyo fududi ka soo gaadheen  Shiiid ay Kooxda Xamaaliinta ahi kala horyimaadeen Bilayska, oo isku dayay inay kala kaxeeyaan Xamaaliintan oo Khilaaf mudo soo taxnaa oo ka dhexeeyay qarka u saarnaa inuu gacan ka hadal isu bedelo.




Bilayska, ayaa la sheegay inay Rasaas u isticmaaleen iska caabinta ay kala kulmeen Kooxdaasi, taasoo sida ay Goob-joogayaal ku sugan Tuuladaasi sheegeen hoos ugu ridayeen Xamaalinta, iyagoo mudo dhex cadyhsanayay gudaha tuulada, isla markaana Xaafaddaha dhexdooda iyagoo Eryanaya Rasaasta u ridayeen.




“meeshan waxa isku haysta laba qolo oo Xamaaliin ah oo ka soo jeeda Bulshada deegaanka degen, waxaanay isku haystaan Xaalida Alaabta Koontarbaanka lagu geliyo Itoobiya oo qolo kaliyaa ay Xamaalato, qolada kalena Deegaankooda la soo dhex mariyo, markaa waxay isku khilaafeen aynu wada xamaalano iyo waxba idiinma ogolin, dabadeed Odayaasha Magaalada ayaa dacwad u gudbiyay Bilayska Wajaale oo ku yidhi wax halaga qabto khilaafkan”sidaasi waxa yidhi Mawliid Aw-cabdi oo ka mid ah Bulshada Deegaanka Garbo-haadlay oo Khadka Telefoonka ugu waramay Gobanimonews.




Waxaanu intaasi ku daray “laba maalmood ka hor ayaa dabadeed Bilaysku u yeedheen Odayaal ka socda  dhinac ka mid ah Labada Beelood ee Deegaanka wada degen, ka dibna waxa la waydiiyay  arintan, waanay soo noqdeen, adigu saaka ayuunbaa Ciidan Bilays ah oo ka yimi Wajaale nagu waabariisteen oo Rasaas ku bilaabeen dhinac ka mid ah Xamaaliintii is heysatay, iyaguna dhagax ayay kaga Jawaabeen”.




Markaa Ilaa maanta Magaalada gudaheeda ayay iscaydhsanayeen Bilayska iyo Xamaaliintu, waxaanay hoos ugu ridayeen Rasaas, waxaana khatar galay nafta dadkii kale ee caadiga ahaa oo xabaddu sigaysay , markaa waxa meesha ka dhacay wax aad u fool xun oo dadka ka cadhaysiiyay, waayo waxay ahayd inay arinta meesha taal horta eegaan oo ay xal ku dayaan”ayuu sheegay Mawliid.




Dhinaca kale, waxa aanu Khadka Telefoonka ee Tuuladaasi kula xidhiidhnay Aw-yoonis Xaaji oo ah Guddoomiyaha Tuuladaasi, kaasoo xaqiijiyay in Ciidanka Bilaysku rasaas nool-nool ku kala caydhiyeen Xamaaliin mudo dheer ku muransanaa Gudbinta Alaabooyinka Koontara-baanka lagu geliyo Itoobiya oo halkaasi si qarsoodiya looga gudbiyo.




“meeshan saddex sanadood, ayaa laga gudbinayay Badeecadaha laga ganacsado ee Koontarabaanka lagu geliyo Itoobiya, waxa jira Koox Dhalinyaro ah oo Xamaasha alaabta oo ka talaabiya xuduudka, kuwaasoo u qaysamay laba qolo alaabta meesha la soo marto iyo kuwo deegaanka u dhashay, dabadeed kuwii deegaanka u dhashay ayaa ku yidhi aynu qaysano Xamaaliinta oo qoloba saami ha yeelato, qoladii kale way diideen, dabadeed muranbaa ka dhex dhashay”ayuu sheegay Guddoomiyuhu.




Aw-yoonis, ayaa sidoo kale sheegay “markii ay mudo muransanaayeen waxaanu ka dacweynay Bilayska Wajaale, Bilayska wajaalena halkii ay labada qoloba talaabo ka qaadi lahaayeen, waxay saaka soo weerareen dhinac ka mid ah labadii kooxood ee xamaaliinta ahaa,  oo ka soo jeeda Beel, iyaguna way isdifaaceen, waxaana jira dad Dakh-dakhramay iyo askar waxyeelo gaadhay, maantoo dhana waxay xabad ku eryanayeen gudaha Magaalada”.




Dhinaca kale, Goob jooge ku sugan Tuuladaasi oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in xaaladu  caadi ku soo noqotay gelinkii dambe ee Maanta balse laga cabsi qabo inay is-hubeeyaan  kooxaha hore khilaafku uga dhexeeyay, taasoo sababi karta inay iyagu isku dhacaan iyo inay bilaska dagaal kala horyimaadaan.




Noomay suurto gelin inaanu wax war ah ka helno Taliska Ciidanka Bilayska ee wajaale, ka dib markii aanu Khadka Telefoonka ku waynay Taliyaha Bilayska Degmadaasi.




Tuulada Garbo-haadlay, ayaa ilaa 2KM dhinaca galbeed kaga began Degmada Tog-wajaale, waxaana mara Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya oo sida Wajaale laba u kala qaybiya magaalada, iyadoo ay ka mid tahay meelaha laga dhoofiyo Baddeecadaha qarsoodiga lagu geliyo Waddanka Itoobiya.




Waxaana sida Dadka deegaanku Gobanimonews u sheegeen Xamaalista Alaabooyinkaasi ka shaqaysta ugu yaraan Konton qof oo Dhalinyaro u badan, kuwaasoo Tunka ku talaabiya Badeecaddo ay u dhiibtaan dadka Ganacsiga Tuugada ah isaga Gudbiya Somaliland iyo Itoobiya.




Gobanimonews




Gabiley Office