Sunday, June 23, 2013

Shirkadda Facebook oo sheegtay inay heyso 10-kun dalab oo ay soo direen Hay’adaha Sirdoonka Dowladaha Caalamka.


(GNA)Shabakadda xidhiidhka bulshadda ee facebook ayaa shaacisay dabayaaqadii toddobaadkii tagay in ay heshay inta u dhaxeysa 9-10 kun oo ah dalabaad dolwadeed oo kala duwan oo ku saabsan cadeeymaha qaar kamid ah macaamiisha adeegsada facebooka laga soo bilaabo fasaxyadii sanadkii hore.




Codsiyaddan ayaa waxaa ku jira hanjabaado argagixisanimo iyo afduubka carruur yar yar .
Tiradda cadeymaha la bartilmaameedsanayo ee shabakadda laga doonayo in ay fududeyso helitaankooda waxay u dhaxeeyan 19-18kun sidda ay facebook ay cadeysay.
War ka soo baxay xafiiska Lataliyaha guud ee shabakada facebook tiid awliwad ayaa lagu sheegay in facebook ay ka go’antahay ilaalinta maclumaadka u gaarka ah macamiisha iyadoo intaasi lagu daray in dhowr jeer oo hore facebook ay soo gaadheen codsiyo is daba joog ah oo la xidhiidha bixinta macluumaadka qaar katirsan macaamiisha.




Warka ka soo baxay xafiiska la taliyaha guud ayaa intaasi ku daray in had iyo jeer waxaa loo diiday jawaab ka bixinta codsiyaadni ay yihiin in haddii aanu nahay shabakadda facebook aanan ka gudbeynin xuduuda maalina qaanuunka ..




Nooc weliba oo kamid ah dalab kasta oo dowladadaha nooga yimaada si toos ahna u quseeya helitanka xogta macaamiisha, taasi waa mid aan dhici karin ayuu yidhi lataliyaha guud ee shabaadda facebook tiid awliwad .




Shabakadan ayaa  dhaleeceyn isdaba joog ah kadib markii ay farta ku fiiqday macluumaad ay bah wadaag ku yihiin 8 sharikadood oo kale oo dhamaantoodba ku shaqeystay internedka kuwaasi oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay buun buuniyeen barnaamijka prisim oo laga lahaa hay’adda sirdoonka dalka mareykanka ee CIAda laguna soo bandhigay cadeymo shaqsiyadeed.




Hase ahaatee sharikadaahasi oo ay ku jiran Apple, Google, Microsoft iyo Yahoo waxaay si cad u beeniyeen jiritaanka macluumaad xaqiijinaya in laanta sirdoonka mareykanku ay si toos ah faraha ugula jirto siddii ay xogta macaamiishooda u heli lahayd .




Madaxda sirdoonka mareyknaku waxaa ay sheegayaan in macluumaadka kamaqani ay salka ku hayaan hajabaado argagixiso daruurina ay tahay in laga gaashaanto talaabooyinka xigi kara hanjabaadyadaasi iyadoo loo marayo barnaamijka fududeeya daba galka sirta dadka sida dhagaysiga taleefoonada iyo aqrinta fariin qoraaladooda.