Pretoria(GNA)-wuxuu ahaa Geesi afrikaan ah, laakiinse hada waxa laga dayrinayaa Xaaladiisa Caafimaad “hadii Geeriyi ku Daysoi Gabowbaan I daynayn.
Hogaamiyihii madoobaa ee caanka ahaa, Madaxweynihii u horeeyay ee si Dimoqraadi ah loo soo doorto ee dalka South Afika Nelson Mebdela oo 94 jir ah, oo muddooyinkii u danbeeyay la il daraa xanuun kuna jiray Cisbitaalka ayaa lagu soo waramaya in 24-kii saacadood ee u danbeeyay ay sii xumaatay xaaladihiisa caaifmaad.
Nelson Mendela, oo muddo 27 sano ah xabsiga ugu jiray xukuumadii midab kala sooca ahayd ee dalkiisa ka talin jirtay, dagaal iyo halgan aad u dheer oo u adagna u soo galay sidii dhidibadda loogu siibi lahaa midab takoorka ayaa loola cararay horaantii bishan June Cusbitaal ku yaal magaalada Pretoria.
War uu soo saaray xisbiga African National Congress, Iyo Madaxwynaha dalka South Afrika, ayaa lagu xaqiijiyay inay si aad ah isu badashay oo ay sii adkaatay 24-kii sacadood ee u danbeeyay xaaladii caafimaad ee Mandela, isla markaana walaac aad u weyn ka muujiyay rajada nolosha Mandela.
Dhkhaatiirta ku hawlan la tacaalida caafimaadka Nelson Mandela, ayaa daboolka ka qaaday inay samaynayaan wax kasta oo ku badbaadin karayaan caafimaadkiisa oo marba marka ka dsanbaysa aad u sii adkaanaya, iyada oo xanuunanadda u waaweyn ee asiibay Mandela marka gabawga laga yimaado uu ugu weyn yahay xanuun kaga dhacay sanbabadda.
Mandela, oo sanadkii 1993-kii la gudoonsiiyay abaal marinta caalamiga ah ee lagu magacaano Nobel Peace Prize, ayaa ahaa geesi gobonimo doon ah oo magac iyo taariikh weyn ku leh guud ahaan dunida gaar qaaradda Afrika iyo dadyawga madawga ah ee dunida ku nool oo dhan.
Waxaanu ka mid ahaa tobankii sanadood ee ugu dambeeyay Golaha Guurtida aduunka ee fadhigoodu yahay Cariga Maraykanka.
Gobanimonews
Pretoria Reporter