Waxaan tixraacayaa Maqaalka ku soo baxay warkaysak Geeska Africa Cadadkiisuna ahaa 1753 kuna taariikhaysan 19.june 2013 kaas oo Xildhibaan Aadan Axmed Cali ku sheegay in Xayiraada Berbera ee Daynta Guud tahay Kambayn Mayar.
Haddaba Xilbaanka Ugubka Waxaan leeyahay Qaalmaha Geella ugubka ah marka Fooshu Qabato Way Cabaadaan markaa waxay la cabaadaa waxaan soo mari jirin ayaa ku dhaca , Hadalkuna waa la mid markuu kuu cusub yahay.
Marka Xildhibaan waxaad maqaalka ku qortay Madaxweynaha J.SL waxa u yaala mahaa ee kala Golaha Degaanka shaqada u taala iyo Madaxweynaha ,
Waxaanu leenahay Madax weynuhu waa kii Hirgeliyey in la Doorto Gole Deegaan midhiihiisi ayaynu nahay, Nin-waliba midhaha uu beerto wuu jeclyaha,
waxaanu inaga mudan yahay sharaf, waxaanu ku leenahay waxaad tahay Ugub ee haw-noqon waxaas oo kale , maqaalkaagna anaga ka bixinay bolo-jiis.
Xildhibaan : C/laahi Cali Ismaaciil( C/laahi Cali Jabane).
Golaha Deegaanka ee degmada Sheikh.