Hargeysa(GNA)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii uu kula kulmay Somaliland intii uu ku sugnaa, ka dib socdaal todobaadyo qaatay oo uu ku gala-bixiyay goboladda waddanka.
Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa shalay mar kale isa soo hortaagay Boqolaal qof oo isugu jira Ardayda ,Maamulka, Macalimiinta Jaamacadda Hargeysa iyo Masuuliyiin ka socda Golaha Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo uu uga waramay aqoon iyo aragti wixii uu uga kordhay dalka oo uu ka maqnaa mudo ku dhaw Afartan sanadood.
Kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay Hoolka shirarka ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa sidoo kale lagu waydiiyay Su’aalo la xidhiidha qorshaha u ku bedelayo halkii uu hore uga taagnaa wax u qabashada dalkiisa, isagoo ka hor intaan su’aalaha la waydiiyay halkaasi ka soo jeediyay, khudbad isugu jirtay Dareen Celin, dardaaran, Dersi iyo kaftan Dul kaxaadis ah oo uu ku ladhay.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ugu horayn u mahad naqay guud ahaan shacbiga Somaliland ee Goboladda dalka ku soo dhaweeyay, Madaxweynaha Jamhuuriyada oo Imaanshiyihiisa wadanka sabab u ahaan iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo uga mahad naqay sida uu taageerada uga geystay sidii uu Goboladda u soo wada mari lahaa.
Sidoo kale wuxuu u mahad naqay Wasiiradda Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jira iyo Wasiit u dawlaha Maaliyada oo socdaalkiisii Goboladda ku wehelinayay, isagoo dhinaca kale halkaasi bogaadin uga soo jeediyay laba Aqoonyahan oo kaalin weyn ka qaatay Booqashadiisa Somaliland.
Mahad naq iyo Bogaadin ka dib, Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu madashaasi kaga dhawaaqay inuu ku qancay qadiyada gooni-isutaaga Somaliland, arkayna waxaanu filayn iyo horumar la mahadiyo oo aan maanta cidna dafirin Karin, si buuxdana waxa uu u shaaciyay inay Somaliland xaq u leedahay aqoonsi iyo inay beesha Caalamku hoos ugu daadegto sugida xuquuqda Mawaadiniinta Mandaqadan ku dhaqan.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale tilmaamay in safarkiisa Goboladda Somaliland aqoon ku dhaw intii uu bartay uga korodhay, waxaanu hadalkiisa ku ladhay dar-daaran culus oo uu si guud ugu diray Bulshada Reer
Somaliland.
Muxuu ku arkay Somaliland:
· waxaan arkay dal midaysan, dawladnimadu wada saamaysay oo Raad dawladnimo ka muuqdo, meel kasta magaalo kasta oo aan tegay Ceerigaabo ilaa Saylac , waxaan arkay Dal siyaasad degen leh, oo ay ka jirto ku dhaqan Dimuquraadiyadeed oo dhab ahi, madaxdiisa iyo Golayaashiisa shacbigu soo doorteen.
· Waxaan arkay dal Sharciga iyo is-xukunka Nidaamka dawladeed loo hogaansanyahay madaxda u saraysay ilaa qofka u hooseeyaa oo laysku Ixtiraamayo”
· Waxaan arkay in Dadka reer Somaliland Xoriyad dhab ah u haystaan dhiibashada Fikirka oo ay omali ah fikirkooda u dhiiban karaan”
· Waxaan arkay in dadka Reer Somaliland ay yihiin kuwa Jaan-gooya Mustaqbalkooda oo ay door ku leeyihiin ka talinta Mustaqbalka wadankooda”.
· “waxaan arkay dad Midaysan oo isjecel oo madax iyo Minjo is-ixtiraamaya, waxaanan leeyahay intaa markaan Arkay ee aan tegay Boorama, ilaa Ceerigaabo, Jamhuuriyada Somaliland Illaahay ha barakeeyo, anigoo qiraya in waxay qabsatay somaliland yihiin wax cad oo
Soo jeedin:
· “waxa loo baahanyahay inay Somaliland samaysto Istaraatijiyada siyaasadeed oo cusub oo ay kula xidhiidhayso Beesha Caalamka, haday tahay Afrika iyo haday tahay wadamada kale ee Adduunka, waxaanan leeyahay Waddankani wuu u qalmaa inay aduunyadu timaado oo la arko waxay qabsadeen”.
· “Waa in Dhaqaale la abuuro, oo la sameeyo waxa la yidhaahdo shaqo abuuris.
· Waxaana meelaha loo baahanyahay in dhaqaalaha laga kabo ka mid ah Dhismaha Wadooyinka, waayo, Waddanka meel kasta oo aan maray dadku waxay ka cabanayeen wado xumo, waxaana taasi ka markhaati ah Hargeysa oo qudha ayaa waddooyinka suuqa marayaa wada bur-bursanyihiin,meelaha rafkaa ee dhulkii aanu maraynayna meelaha qaarkood ayaanu Masaafo dhan 2 Mile ku soconay saacad, markaa waa in wadooyinka waddanka wax laga qabtaa , si qofka Beeralayd ahi wado uu Khudaarta ku soo Iib-geeyo u helo”
“waa in Cadaalada la horumariyo oo dadku Calaad wada helaan oo aan cidna qabyaalad iyo hayb-sooc lagu Takoorin,hadii Cadaalad la waayo Jamhuuriyada Somaliland waxay noqon doontaa mid gubata oo xataa nacdasha ilaahay ku soo Degto.
· Waxa loo baahanyahay in waxa aynu doonayno ee Mustaqbalkeenu ku xidhanyahay haday tahay siyaasada iyo haday tahay arimo kaleba, in dadku talo ku yeeshaan oo qof walba fursad loo siiyo inuu talo ka dhiibto.
· Waa in la kala saaro dawladnimada iyo qabyaaladda oo aan laysku salayn, waa in la horumariyo wax beerista, kobcinta Xoolaha Nool . dadkuna helaan biyo nadiif ah.
· Waa in Waxbarashada dib u habayn deg-deg ah lagu sameeyo, iyadoo aan qirayo inay meel wanaagsan marayso waxbarashadu, waxaanan odhan lahaa Jaamacaddaha badan ee waddanka ku yaala hala mideeyo, hadii ay suurto galtahay”.
· Waa in Caliga iyo Maskaxda laysku kaashadaa oo ay Somaliland oo mid ahi muuqataa, waayo hadii aynu nidhaahno aqoonsi hanala siiyo oo qudha oo aynu qorshe iyo istaraatijiyad yeelan wayno waxba inooma suurtoobayaan.
Gunaanad:
“markaan noqdo waxaan dhabarka ku sii qaadanayaa dayn cusub oon kale, laakiinse qurux badan, taasoo iigu biiraysa dayntii hore ee ay igu lahaayeen Eheladayda iyo dadkii i soo koriyay, anigaanaay I jirtaa sidaan u uruursanayo dayntan cusub ee aan sii qaadanayo iyo taydii hore”.
“qolo Saaka ii timi ayaa igu yidhi waxaanu doonaynaa inanu samayno wax la yidhaahdo MAKKTABADDA QARANKA, waxaanan doonaynaa inaad nagala qayb-qaadato, runtii waan soo dheynayaa, waxaanan ka codsanayaa Masuuliyiinta qaranka in hawshaa la garab istaago”.
Isagoo ka Jawaabayay Su’aal laga waydiiyay qorshihiisa inuu Barre ka noqdo Jaamacaddaha Somaliland waxa uu yidhi “Maraykan waxaan ku noolaa afartan sanadood in ku dhaw, hawl iyo shaqo culus ayaan u hayaa wadankaa, markaa ma odhanayo intaan hawshii qabsada ku idhaahdo ayaan halkan ku soo noqonayaa, laakiinse taasi waxay u baahantahay qorshe, waxaanan odhan karaa waxay ku xidhantahay waxay Somaliland iigu bedelayso, shaqadii aan dalkaa ka hayay”.
Dhinaca kale waxa kulankaasi ka hadlay, Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geel-jire iyo Madaxa Kulliyada sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Prof Maxamuud Xuseen Faarax, kuwaasoo Aqoonyahanka uga mahad celiyay dareen celinta uu ka bixiyay Maxsuulka safarkiisii uu dalka ku soo wada maray.
Gobanimonews
Hargeysa office